Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay howl gelinayaan Dekeda degmada Hobyo ee Gobolka Mudug
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Baasto ayaa sheegay in bisha soo socda ay bilaabayaan inay dhisaan Dekeda si dadka deegaanka ay uga faa’ideystaan. Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay howl gelinayaan Dekeda degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, iyadoo ay jiraan muran ka taagan howl gelinta dekedaas.
“Halkii deegaanadaas meel 1000, Kiilo Mitir looga keeni lahaa bariis ama bur, waxaa wanaagsan in Dekeda Hobyo la howl geliyo, dadkana ay ka faa’ideystaan”ayuu yiri Axmed Baasto.
Axmed Baasto ayaa sidoo kale sheegay in maamul ay u dhiseen Hobyo, isagoo tibaaxay in duqa magaalada Hobyo u magacaabeen Dr Maxamuud Cawaale, waxaana uu xusay in dadka deegaanka uu ka soo jeedo.
Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii wafdi reer Yurub ahaa oo uu horkacayay Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid ay weerareen kooxo hubeysan, xilli ay booqanayeen Dekeda Hobyo.
Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa ku dooday in weerarkaas uu ku soo qaaday Jen Cabdi Qeybdiid, isla markaana magaalada Hobyo ay qeyb ka tahay maamulkooda ka taliyo.
There are no comments at the moment, do you want to add one?
Write a comment