Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la soo bandhigay Magaca iyo Calanka uu yeelanayo

Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la soo bandhigay Magaca iyo Calanka uu yeelanayo

Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la soo bandhigay Magaca iyo Calanka uu yeelanayo
October 04
19:56 2016

Ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa maanta isku raacay magaca uu yeelanayo maamulkan iyo astaanta calanka, iyadoo lagu wado in maalinta khamiista la ansixiyo dastuurka maamulka.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Ergada ay badankood isku raaceen in magaca Maamulka labada gobol uu noqdo HirShabeelle oo ah magac labada gobol oo uu maro wabiga Shabeelle.

Sidoo kale waxaa Ergada meel mariyeen calanka uu yeelanayo maamulka oo midibkiisu yahay qeyb calanka buluuga ee dhexda xidigta ku leh, doog cagaaran oo wehliya geed iyo wabiga.

Munaasabad lagu wado in maalinta khamiista ka dhacdo magaalada Jowhar ayaa lagu shaacinayaa magaca iyo astaanta calanka, kaddib markii maanta Ergadu ay ansixiyeen cutubyo ka mid ah qabyo qoraalka dastuurka oo ay ka mid ahaayeen Xarunta Maamulka, astaan calameedka iyo magaca uu yeelanayo maamulka.

Ergada ayaa gelinkii hore ee maanta isku raacday in xarunta ama caasimada maamulka labada gobol uu noqdo Magaalada Jowhar, waxaana tani meesha ka saareysaa wareegtadii Madaxweynaha ka soo baxday bishii December ee sanadkii hore oo ahaa xarunta maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay tahay Buulo Burde.

Si kastaba ha ahaatee qorshaha maamul dhisida labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa heer gabo gabo ah maraya, waxaa la filayaa in 15-ka bisha la dhameystiro maamulka, lana doorto Madaxweyne.

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT