Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Madaxda warbaahinta oo cabashooyin u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya

Madaxda warbaahinta oo cabashooyin u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya

September 15
18:21 2014

Madaxda hay’adaha warbaahineed ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa habeenkii Axadda waxay cabashooyin ay qabeen u gudbiyeen madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula kulmay wakiillada warbaahinta xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen arrimo labada dhinac khuseeyay.

Wakiillada warbaahinta ayaa la wadaagay madaxweynaha walaac ay ka qabaan xeerka saxaafadda ee dhowaan uu golaha wasiirrada meel-mariyay iyo howlgallo ciidanka ammaanka ay toddobaadyadii ugu dambeeyay ku xir-xireen weriyeyaal dhowr iyo xarumo warbaahineed oo ku yaalla Muqdisho.

Agaasimaha idaacadda Bar-kulan oo ka mid ahaa madaxda warbaahinta ee ka qeyb-galay kulanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha ku qanciyay wakiillada warbaahinta in dib loo fiirin doono xeerka saxaafadda, is-beddellada lagu sameeyana lala socodsiin doono ayaga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u jeediyay warbaahinta Soomaalida inaanay dhexdhexaad ka noqon dagaalka ay dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in saxaafadda lagu taageero dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab iyo sidii loo soo celin lahaa ammaanka iyo dowladnimada.

Horraantii bishan ayay ahayd markii ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay xireen qaar ka tirsan wakiillada warbaahinta Muqdisho kaddib markii ay ka hor yimaadeen digreeto ay soo saartay hay’adda nabad-sugidda qaranka oo amar ku siineysay idaacadaha iyo telefishinnada inaanay tebin karin wararka la xiriira kooxda Al-Shabaab.131212184905_somali_pm_281x351_reuters_nocredit

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT