Warning: Illegal string offset 'let_facebook_pick_pic' in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/plugins/sharepress/sharepress.php on line 807

Warning: Illegal string offset 'let_facebook_pick_pic' in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/plugins/sharepress/sharepress.php on line 810
Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Dalka Dib Ha loo Dhiso

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Dalka Dib Ha loo Dhiso

February 11
08:16 2012

 

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa burbur lixaad leh uu soo gaaray wadooyinka waa wayn ee dhexmara gudaha Magaalada Mudisho kuwaasi oo aan helin wax dib udhis ah oo ku filan marka laga reebo Maamulka gobolka Banaadir oo wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ka sameeyay howlo lagu  dayac tirayo. 

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dhagax dhigay howlo dib loogu dhisayo wadada xiriirisa Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay ayaa shaaca ka qaaday in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay iska kaashaadaan dib u dhiska dalka. 

Sheekh Shariif ayaa sheegay in burburka soo gaaray dalka Soomaaliya Mas’uuliyaddeeda ay leeyihiin dadka Soomaalida, sidaasi darteedna waxa uu tilmaamay in haataan loo baahanyahay shacabka inay iska kaashaadaan dib u dhiska dalkoodu, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Jaaliyadaha Soomaaliyed ee ku dhaqan dalka dibaddiisa oo uu ugu baaqay in kaalin lixaad leh ay ka gaystaan dib u dhiska dalka Soomaaliya. 

Dowladda KMG ah ayaa haatan waxa ay u muuqataa mid guluf ugu jirta sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Magaalada Muqdisho islamarkaana dinb loogu soo celin lahaa adeegyadii bulshada kadib markii ay xaqiijisay la wareegitaanka inta badan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

 


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT