Warning: session_start(): open(/opt/alt/php73/var/lib/php/session/sess_11a79a5f124bc8a5c25a84180fa34c77, O_RDWR) failed: Disk quota exceeded (122) in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/functions/filters.php on line 5

Warning: session_start(): Failed to read session data: files (path: /opt/alt/php73/var/lib/php/session) in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/functions/filters.php on line 5
Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in ciidankiisa ay baaqi ku sii ahaanayaan Soomaaliya | Somaale.com
Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in ciidankiisa ay baaqi ku sii ahaanayaan Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in ciidankiisa ay baaqi ku sii ahaanayaan Soomaaliya

October 16
05:53 2013

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay sii joogayaan Soomaaliya, inta dalkaas cagaihiisa isaga taagayo, amnigiisana dib u soo ceshanayo, kadib khudbad uu shalay jeediyay Munaasabada Ciidul Adxa.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa hambalyo u diiray ciidankiisa ku sugan Soomaaliya ee qeyb ka ah howl galka midowga Afrika, isagoo ku amaanay waxqabadka ciidamadiisa iyo dadaalka ay ugu jiraan gacan siinta walaalaha Soomaaliya, waxaana uu xusay inay tababaro siinayaan Ciidamada Soomaalida.

“Waxaan hambalyo u dirayaa geesiyaasheena jooga Soomaaliya ee dadaalka ku bixinaya taageerada walaalahooda, inta itaal keena waa sii wadi doonaan inaan tababarno, oo aan xoojino nabada”ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti oo intaa ku daray inay ammaan ku muteystay howsha ay Ciidamadiisa ka hayaan Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in aanay dhag jalaq u siin doonin hanjabaadaha ka imaanaya Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in kuwa ay hanjabayaan aanay iyaga aheyn.

“Hadadaadaha iyo Hanjabaadaha ka imaanaya kuwa xalaaleystay dhiiga Islaamka ha u sheegaan kuwa ay dalka ka xigaan”ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Al-Shabaab ayaa dhowaan ugu baaqay Madaxweynaha Jabuuti in ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya, hadii kale ay la kulmayaan cawaaqib iyo weeraro ay la beegsanayaan ciidankooda jooga Hiiraan.
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo qeyb ka ah Howl galka AMISOM ayaa ku sugan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT