Madaxweynaha Maamulka Somaliland Siilaanyo oo magacaabay guddi wada hadal lagala DKMG Somalia

Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa magacaabay guddi heer wasiiro ah oo wada hadal lagala DKMG Soomaaliya.
Bayaankaani kasoo baxay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo ayuu ku magacaabay guddi heer Wasiiro ah oo wada hadal ay ku matalayaan Maamulka Somaliland la gala dowladda KMG Soomaaliya.
“ Annaga iyo Soomaaliya waxaanu nahay labo dowladood oo daris ah, waxaana DKMG ah kala hadlaynaa in aan iska kaashano dhinacyada ammaanka” sidaasi ayaa lagu sheegay Bayaan kasoo baxay Xafiiska Madxweynaha Maamulka Somaliland.
Warsaxaafadeedkaani kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Maamulkaasi uu taageersan yahay qodobadii kasoo baxay Shirkii 23-kii February kusoo gaba gaboobay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Guddigaani oo uu soo magacaabay Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka koobban, Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Max’ed C/laahi Cumar, Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulkaasi, Max’ud Nuur Carraalle, Wasiirka howlaha guud iyo guryenta Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka cadaaladda Xasan Axmed Ceydiid iyo Wasiirka beeraha Faarax Cilmi, waxaana bayaanka lagu sheegay in guddigaani ay ka qeyb gali doonaan kullan loogu gogol xaarrayo wada hadal dhexmara DKMG ah iyo Maamulka Somaliland.
There are no comments at the moment, do you want to add one?
Write a comment