Madaxweynaha Masar oo xukunka laga tuuray
Ciidanka qalabka sida ee dalka Masar ayaa caawa af-gebiyay madaxweyne Maxamed Mursi, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay dalkaasi ka socdeen mudaharaadyo kala duwan oo madaxweynaha looga soo horjeedo iyo kuwo lagu taageerayay.
Madaxa ciidamada qalabka sida ee dalka Masar Cabdifataaxi Siis oo qalabka warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka qalabka sida uu af-gebiyay madaxweyne Mursi, isagoo sheegay in tallaabadan uu ciidanku u qaaday si uu u xaqiijiyo rabitaanka shacabka.
Awoodda dalka Masar waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada, Maxamed Mursi oo aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay kama uusan hadlin afgembiga.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo xubno ka tirsan xisbigiisa Walaalaha Muslimiinta (Akhwaanul Muslimiin) loo diiday in ay dalka ka baxaan.
Af-gebiga ka dhacday dalka Masar ayaa yimid kaddib markii ciidanka qalabka sida ee dalkaasi ay madaxweyne Maxamed Mursi iyo mucaaradka ka horjeeda u qabteen inay 48 saac gudahood go’aan ku gaaraan.