Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Shahaadooyin Guddoonsiiyay 637 Arday oo Muuqaalkoodu Jabiyay Iriddaha Jahliga, kana Af-laxay Jaamacadda HargeysaSawiro

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Shahaadooyin Guddoonsiiyay 637 Arday oo Muuqaalkoodu Jabiyay Iriddaha Jahliga, kana Af-laxay Jaamacadda HargeysaSawiro

September 16
08:12 2012

-637 oo Arday ayaa maanta ka qalin Jabiyay Jaamacadda Hargeysa, kuwaasoo dhamaystay qaybaha kala duwan ee Duruusta jaamacadaasi.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay qalin jabinta ardaydaasi oo lagu qabtay Barxad balaadhan ku dhex taala  Jaamacada  ayaa waxa ka qayb-galay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wasiirro xukuumaddiisa ka tirsan oo ay ka mid tahay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan, xubno ka socda asxaabta siyaasadda iyo guud ahaanba bahda Waxbarashada somaliland.

Xafladan oo marka si guud loo sawiro  ahayd mid dad badan kulmisay, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr.Cabdi Xuseen Gaas oo furitaankii Xafladaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu ka soo qayb galo qalin jabin loo samaynayo jaamacadda hargeysa oo dhawaan loo soo magacaabay.
Gudoomiyuhu waxa uu Mahadnaq u jeediyay madaxwaynaha iyo waftigiisa kala soo qayb galay xaflada qalin jabinta, Waxaanu Madaxwaynaha ka Codsaday inuu ka Taageero dhinaca dhaqaalaha iyo sidii loo kabi lahaa jaamacadda hargeysa.

Gudoomiyaha jaamacadda Camuud Pro. Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku hadlayo Magaca jaamacadaha Somaliland intii aan xaflada ka soo qayb galin, isaga oo Madaxwayne Siilaanyo uga Mahad celiyay sida uu ula shaqeeyo Jaamacadaha Dalka Somaliland.

Waxa uu sheegay in ay hambalyaynayaan Ardayda, Waalidiinta iyo macalimiinta wax soo bartay, waxa uu sheegay in Tacliinta sare wadanka ku Cusub tahay, jaamacadda hargeysana tahay jaamacadda ugu ardayda badan uguna firfircoon.

Pro.Saleebaan waxa uu ka Sheekeeyay Sababihii loo Abuuray Jaamacadaha Somaliland oo uu sheegay in ay ahaayeen laba qodob waxaanu yidhi “Qodobka koowaad waxa uu ahaa in da’yarta rajo loo Abuuro, rajo ka qurux badan garan maayo maanta intaa ina soo hor fadhida ee Wajigoodu dhalaalayo, oo halkay qori ka haysan lahaayeen oo ay dadka layn lahaayeen sida geeska afrika meelo ka dhacday, maanta qalinjabintoodii halkaas u soo fadhida, qodobka labaadna waxa uu ahaa in la soo saaro dhalin yar cusub oo Aqoonyahanno, Xirfadleh oo dalka haga, waxna ka qabto horumarkiisa, intaas oo maanta aqoon ku hubaysan markhaati cad ayay utahay in ujeedadaasi si fiican ay inoogu fushay”

Pro.Saleebaan waxa kale oo uu sheegay in ay Jaamacaddaha Dalku maanta ku Faanaan in Wasaarada Waxbarashadu Hogaan toosan leedahay, oo isku xidha jaamacadaha iyo dhamaan dugsiyadda waxbarashada, isaga oo xusay in Wasiirka Waxbarashadu tahay Hogaamiye hantay hawshaa culus, kartina u leedahay hogaaminta taasi oo uu sheegay in ay dan u tahay Dalka.

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud waxa uu kula dardaarmay ardayda qalin jabisay in ay illaahay ku xidhnaadaan oo ay fuliyaan Waajibaadkiisa, waxaanu aad ugu waaniyay in ay ka fogaadaan Qabyaaladda, oo ay illaashadaan wax kasta oo dalkooda dan u ah, waxaanu madaxwaynaha Somaliland u sheegay in Ardaydaa Qalinjabisay ay Xuquuq ku leeyihiin Dalka iyo Xukuumaddaba iyagan Waajib ka saaranyahay.

Mujaahid C/raxmaan aw Cali Faarax oo isaguna ka mid ahaa Ardaydii Maanta ka qalinjabisay Jaamacadda hargeysa oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in uu kuliyadda sharciga ka baxay laba sanno horteed maanta ka qalin jabiyay Xalinta Khilaafaadka ayaa sheegay in uu Xogogaal u yahay Duruufaha haysta Ardayda iyo Waalidka Tacabka la garab taagan mar walba.

Mujaahid C/raxmaan Aw Cali waxa uu sheegay in uu ahaa Wasiirkii ugu horeeyay Tacliinta Somaliland, waxaanu ka Waramay duruufaha ay soo martay Waxbarashada Somaliland iyo heerka ay maanta taagantahay, waxa uu sheegay in wax wayn u Qabsoomeen Somaliland, maanta ay meel fiican marayso, Waxaanu Dardaaran usoo jeediyay ardayda qalin jabinaysa oo uu ku waaniyay in ay sii wadaan Aqoonta oo aanay ka daalin.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr.Sacad Cali Shire ahna Gudoomiyaha Boodhka sare ee jaamacadda hargeysa oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa ka sheekeeyay isbedeladda ku yimaada ardaydu marka ay qalin jabiyaan iyo carqalaha ka hor iman kara ee ay ka mid tahay shaqo la’aantu, waxaanu sheegay in ardaygu uu gaadhi karo haddii uu la yimaado himiladdiisa, isla markaana waajaho sidii uu uga bixi lahaa shan arimood oo kala  ah, 1- in ardaygu la yimaado niyad wanaag, 2- in ardaygu la yimaado hammi iyo himilo, 3- in ardayga looga baahanyahay dadaal, 4- in ardayga looga Baahanyahay adkaysi, in ardayga looga baahanyahay in uu illaahay talo saarto.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo iyagunaha halkaasi ka hadlay ayaa Hambalyeeyay ardayda Qalinjabisay iyaga oo ku dhiiri galiyay in ay Aqoonta halkaa ka sii wadaan.

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta Sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna madashaasi ka hadashay ayaa Hambalyo u Dirtay Ardayda ka Qalinjabisay Dufcada 9-aad ee ka qalin jabisa jaamacadda Hargeysa, waxa ay sheegtay in Xaflada ay isku yimaadeen dadkii ehelka u ahaa Aqoonta iyo Waxbarashadda.

Wasiir Samsam waxa ay sheegtay in Jaamacada Hargeysa Marxalado kala duwan soo martay, madaxwaynaha somalilandna u sameeyay Boodh hogaanka u haya maadaama oo ay caasimadii ku taalo ayay tidhi Samsam Cabdi aadan.

Samsam Cabdi Aadan Waxa ay illaahay uga bariday in ardayda jaamacadu noqdaan kuwo noqda kuwii Somaliland u baahnayd ee horumar la taaban karo gaadhsiin kara, waxaanay kula dardaarantay ardayda in ay illaahay talo saartaan oo ay isku tashadaan oo ay ka digtoonaadaan waxyaabaha kala fogaynaya.

Munaasibadan oo ay sidoo kale dad  door ahi ka hadleen, waxa soo gabogabeeyay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu halkaasi ka jeediyay khudbad dardaaran iyo dhiiri-galin ah “Waxaan jecelahay inaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyo ardayda maanta qalin-jabinaysa iyo waalidkood iyo inteena wanaaga la jecel, macalimiinta jaamacada Hargeysa hawsha ay qabteen awgeed”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Ardayda jaamacadaha ka baxayaa waa mustaqbalkii dalka, kuwa dalka hormuud ka noqonaya waa iyagga, waxaanu idiin leeyahay waanu idin hambalyeynaynaa oo waanu idin soo dhawaynaynaa, idinka oo noqonaya indhihii dadka iyo dalka, kuna deydaan kuwo idinka dambeeya”

Madaxwayne Siilaanyo waxa kale oo uu soo qaaday “Waxaan idiin soo jeedinaya inaad noqotaan kuwii dadkooda iyo dalkoodaba anfaca mustaqbalka dheer, waxaana dawladyu ku dedaalaysaa oo mar walba waajibkeeda ah, xilna ka saaran yahay inay shaqo u raadiso dadka ka baxaya jaamacadaha, khasab maaha in umadda oo dhan dawladu shaqo u wado hesho, laakiin fursadaha jira waa in dadku hal abuur la yimaadaan, waayo Somaliland waa dal nabadgalyo ah oo dadkiisu isku niyad-wanaagsan yihiin oo wax laga qabsan karo”ayuu yidhi.

637 arday ee maanta ka qalin-jabiyey jaamacada Hargeysa ayaa ka qalin-jabiyey 11 kuliyadood oo kala duwan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin caafimaadka guud, Umuliso-nimada, sharciga, maamulka iyo xisaabaadka iyo kuliyada xalinta khilaafaadka, waxaana ka mid ah Ardayda Siyaasiyiin Rug-cadaadi ah oo kaalin sare kaga loolamaya saaxadda siyaasada xiligan, sida Cali Maxamed Waran-cadde, Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax iyo xubno kale.














Jamaal Ibrahim Maxamed

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT