Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Baraawe ||Sawirro||
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay oo maanta booqday degmada Baraawe ayaa gabaldhicii caawa dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Baraawe, iyadoo shacabka ku dhaqan magaaladaasi aysan u kala harin soo dhaweeynta madaxweynaha.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayaa soo kormeeray qeybo badan oo ka mid ah degmada Baraawe, iyadoo uu horkacayay gudoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Siidii.
Madaxweynaha ayaa la hadlay dadka ku dhaqan Baraawe, kuwaasoo isugu soo baxay meel fagaare ah, iyagoo lulayay calanka jamhuuriyadda, islamarkaana kor u qaadayay heeso wadani ah oo qiiro leh.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay dadka reer Baraawe iney dowladu soo celin doonto adeegyadii bulshada ee lagama maarmaanka u ahaa nolosha dadka, isagoo ku boorriyay iney dowlada taageeraan, gacanna ka geystaan sugidda ammaanka.
Madaxweynaha oo dhawaan Xajka ka soo laabtay ayaa shalay iyo maanta kala booqday degmooyinka Cadale iyo Baraawe oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha dhexe iyo Sh/hoose.