‘Madaxweynaha Soomaaliya oo Jabuuti uga qaybgalaya xuska farta Soomaaliga’
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu casuumay ka qaybgalka xuska qoraalka farta Soomaaliga oo 17-ka illaa 22-ka bishan December ka dhacaya dalka Jabuuti.
War-saxaafadeed ka soo baxay Naadiga Qalinlayda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in xuska farta Soomaaliga oo sanadkan si ballaaran loo xusayo lagu casuumay inay ka qaybgalaan madaxda dhulka ay Soomaalida degto ee Bariga Afrika.
Madaxda maamullada Somaliland iyo Puntland, madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida ee Ethiopia iyo mas’uuliyiin ka socota gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya ayaa sidoo kale lagu casuumay xuska, iyadoo madaxweynaha dalka marti-gelinaya uu ka dhex muuqan doono.
Munaasabaddaas waxaa la sheegay in lagu daah-furi doono qaamuuska ugu waynaa ee af-Soomaali lagu qoro, kaas oo fikirkiisa uu lahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana ay wada-jir u diyaariyeen machadka luuqadaha ee Jabuuti iyo Naadiga Qalinlayda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed (Somali-Speaking PEN Club).
There are no comments at the moment, do you want to add one?
Write a comment