Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka QM

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka QM

September 27
10:05 2012

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal ka jeediyay kulan gaar ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kaasoo xalay ka dhacay magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa u furay kulanka oo uu shir guddoominayay xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon.

Madaxweynaha ayaa khadka fiidiyowga uga qeyb galay kulanka isagoo ku sugan magaalada Muqdisho, wuxuuna u mahadceliyay madaxdii ka qeyb gashay kulanka oo diiradda lagu saarayay isbeddelka ka dhacay Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sharraxaad gaaban ka bixiyay waxyaabaha uu ahmiyadda siinayo ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono xasilinta dalka, maamul wanaagga, dib u dhiska dhaqaalaha, nabadda iyo dib u heshiisiinta, adeegyada bulshada iyo hagaajinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay caaamka intiisa kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay inuu dhowaan soo magacaabi doono raysul wasaare hoggaamin doono dowlad federaal ah oo looga fadhiyo dib u soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha, kala dambeynta iyo caddaaladda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday beesha caalamka inay beddelaan fikirka ay ka haystaan Soomaaliya maadaama dalka uu ka dhacay isbeddel dhab ah.

“Waxaan hadda rabnaa inaan dhisno Soomaaliya cusub, si wixii khaldamay loo saxo, dalkana loogu hoggaamiyo hab ku dhisan caddaalad, annagoo go’aansannay inaan dhisno jamhuuriyaddii saddexaad,” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu beesha caalamka u xaqiijiyay in maamulkiisa cusub uu sanadaha soo socda noqon doono mid uu ka muuqdo isbeddel la taaban karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beesha caalamka ku ammaanay inaaneyn marnaba ka niyad jebin is-garab taagga shacabka Soomaaliyeed oo muddo dheer dhibaato ku jiray.

Madaxdii ka qeyb gashay kulanka ayaa u hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna xaqiijiyeen inay taageeri doonaan dowladda cusub.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT