Something went wrong with the connection!

Somaale.com

#Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegay inuu Ergey u diray #Beesha H/gidir

#Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegay inuu Ergey u diray #Beesha H/gidir

July 01
12:23 2013

DSC07001

Warar lagu kalsoonaan karo oo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Ergey u diray beesha H/gidir, si loo qaboojiyo xiisadaha isa soo taraya oo ka dhashay xarigii Sheekh Xasan Dahir, markii Muqdisho la keenay habeenkii jimcaha.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah la taliyeyaasha Madaxweynaha, horayna u soo noqday Wasiirkii Qorsheynta, kana soo jeeda Beesha H/gidir, gaar ahaan Jufada Cayr ee uu Xasan Dahir ka dhashay ayaa xalay la xiriiray odayaasha beelaha H/gidir.

Mr Warsame ayaa odayaasha beesha H/gidir u sheegay in Madaxweynaha ka xun yahay wixii ka dhacay garoonka, isla markaana Madaxweynaha diyaar u yahay inuu la kulmo odayaasha.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha kulan uu la balansan yahay odayaasha beesha H/gidir gelinka dambe ee maanta, si loo qaboojiyo xiisada, loogana daweeyo waxyaabaha ay tabanayaan odayaasha.

C/raxmaan C/shakuur ayaa la sheegay inuu bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la lahaa odayaasha beesha, si uu is faham u kala dhex dhigo iyaga iyo dowladda, kadib markii odayaasha ay ka caroodeen qaabkii loola dhaqmay.

Xiisada Labada dhinac ayaa kacday markii la garaacay odayaashii Xasan Dahir Aweys ka soo kaxeeyay degmada Cadaado iyagoo ku eedeeyay Madaxda dalka inay ku balan fureen heshiiskii markii Xasan Dahir la doonayay la wada galay.

Maanta ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay banaan bax rabshado looga soo horjeeday xariga Xasan Dahir, taasoo la rumeysan yahay inay weji cusub gelisay xaalada Sheekha oo hada salka la gashay mid qabiil oo ay beeshiisu dooneyso inay dowladda Soomaaliya sii deyso

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT