Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Madaxweyne madaxweyne Morsi oo Diiday Go'aanka Ciidamada Masar.

Madaxweyne madaxweyne Morsi oo Diiday Go'aanka Ciidamada Masar.

July 01
22:17 2013

1

War cad oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa gaashaanka ku dhuftay wakhtiga loo qabtay madaxweyne Mursi iyo hogaamiyayasha mucaaradku inay xaliyaan khilafadkooda, iskuna waafaqaan wadadii la qaadi  lahaa.

Warkaasi cad ayaa lagu sheegay in go’aanka ciidanka aan lagala tashan madaxweynaha, sidoo kalena uu Mursri ku sii dheganaan doono qorshayaashiisa dib u heshiisiinta qaran ah, iyadoon loo aabayeelayn bayaannada sii kala qaybinaya dadka Masar.

Wasiirka gaashaandhiga  ee dalka  Masar General Abdel Fattah el-Sissi ayaa shalay  soo saaray  bayaanka  muddada kama dambeeysta ah ee 48-ka saacadood, kadib markii dhowr toddobaad ay banaanbaxyo ka socdeen dalkaasi iyo gacan ka hadal ay ku dhinteen 16 qof.

Wasiirka  arrimaha dibadda ee dalkaasi Maxamed Kamel Amr ayaa gudbiyay  iscasilaadiisa, waxaana ilaa iyo Axaddii iscasilay ugu yaraan 4 wasiir.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo booqanaya dalka Tanzania ayaa sheegay in dunidu ay isha ku hayso xaalada dalka Masar.

Obama ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin waxa ka socda dalkaasi, wuxuuna ka codsaday madaxweyne Mursi iyo mucaaradkaba inay khilaafadkooda ku xaliyaan wadahadal.

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT