Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimo ayaa naga go’an
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xafididda midnimada qaran ee Soomaaliya.
Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay doonayaan in wada-hadallada dowladda dhexe ay la leedahay maamulka Somaliland ay sii socdaan, si midnimo qaran loo gaaro.
Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ah ay midnimada ummadda ku raadinayso si aan awood ku jirin, wuxuuna rajo ka muujiyay in wada-hadallada labada dhinac ay miro-dhal noqdaan.
Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa laba jeer sanadkan 2013 wada-hadallo ku yeeshay dalka Turkiga, iyadoo ay ku heshiiyeen qodobbo ay ku jireen wadaagga xakamaynta howlaha hawada Soomaaliya iyo sii wadidda wada-hadallada labada dhinac.