Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xildhibaanada Soomaaliya iyo Musharixiintii isaga kula tartamaysay xilka uu iminka hayoDaawo Sawiro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xildhibaanada Soomaaliya iyo Musharixiintii isaga kula tartamaysay xilka uu iminka hayoDaawo Sawiro

September 19
07:41 2012

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Xalay waxaa uu kulan ay al Baabadu U xirnaayeen kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Qaar ka mid ah Musharixiintii ay ku wada tartameen Xilka Madaxtinimada 10 Bishaan September waxaana uu kala hadlayay Sidii ay Talooyin uga siin la haayeen soo Magacaabista Ra’iisul wasaaraha dalka .

Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay sidii loo soo magacaabi lahaa Ra’iisul wasaare cusub oo karti leh, wuxuuna talooyin ka dhagaystay madaxdii uu la kulmay Madaxweynaha.

Musharixiinta uu Madaxweynuhu Xalay la kulmay ayaa waxaa ka Mid ah

Prof Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo

C/laahi Axmed Cadow

Axmed Ismaaciil Samatar

Cabdi Raxmaan Macalin C/laahi Baadiyow

Yuusuf Garaad Cumer Axmed

Cabdi wali Maxamed Cali Gaas iyo kuwa kale

Kulankoodu Markii uu soo idlaaday ayaa waxaa la hadlay Warbaahinta qaar Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Prof Xasan Sheikh Maxamuud waxaana uu sheegay in uu aad ugu Mahad Celinayo Musharixiintii uu la kulmay Sida ay taageerada ula garab taagan yihiin Mar walba, isagoo faah Faahiyay waxyabaha ay ka wada hadleen inay ka mid ahyd Talooyin ay u soo gudbiyeen oo la xiriira dhinaca Magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale waxaa uu sheegay in Asbuucaan uu guda galayo Soo Magacaabista Ra’iisul wasaaha Cusub ee Soomaaliya ay yeelaneyso waxaana uu tilmaamay inay jiraan Mas’uuliyiin Badan oo loo soo gudbiyay uuna Diirada Saari doono Ruuxii uu u arko inuu wax ka qaban karo Marxalada Dalku ku sugan yahay.







Maxamuud Axmed Xasan

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT