Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Siilaanyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Siilaanyo

April 12
23:04 2013

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu wadaa inay maanta kulan ku yeeshaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galinkii dambe ka amba-baxay magaalada Muqdisho, si uu uga qaybgalo kulanka labada dhinac dhexmaraya oo ay dowladda Turkiga gogoshiisa fidisay.

Guddi farsamo oo labada dhinac ka socda ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku kulansanaa Turkiga, waxayna u gogol-xaarayeen wadahadallada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku sii simaya madaxweynaha inta uu dalka ka maqan yahay ayaa Alle ka baryay in shirka uu guul ku idleeyo, madaama sida uu sheegay ay madaxda dowladda Federaal-ku raadinayaan midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa in war-murtiyeed uu ka soo baxo.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT