Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Madaxweyne Xasan Sheekh "Waa in sharciga la horkeeno cidii isku daydey inay disho wariye Timocadde"

Madaxweyne Xasan Sheekh "Waa in sharciga la horkeeno cidii isku daydey inay disho wariye Timocadde"

October 22
09:34 2013

somalpress

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey falkii isku dayga dilka ee loo geystay Wariye Maxamed Maxamud Timacadde oo u shaqeynayey Universal TV.

Madaxweynaha ayaa ku amray hey’adaha ammaanka dowladda in sharciga la horkeeno cidii ka dambeysay weerarkaas isku dayga dilka ah.

“Waa in sharciga la horkeeno cidii isku daydey inay disho wariye Timocadde. Maamulka Universal TV, shaqaalaha iyo dhammaan bahda saxaafadda waa inaad sii labo jibaartaan howlaha muhiimka ah ee aad ummadda u heysaan, si loo tuso kooxahan dhagar qabayaasha ah inaysan marnaba ku guuleysaneynin inay aamusiyaan saxaafadda”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryay inuu dhaawaca u sahlo, isla markaana si dhaqse ah ugu soo kabto dhaawicii gaaray Wariyaha, isagoo tilmaamay in mar walba kooxaha nabad diidka ay doonayaan in caalamka tusaan in Soomaaliya aysan nabad aheyn.

“Looma dulqaadan doono falalka sida tooska ah loogu raadsanayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, dowladdana waxaa ka go’an in maxkamadda la soo hortaago cid allaale iyo cidii lagu helo inay ka danbeeyaan falalka noocan oo kale ah”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Saakay ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay degmada Madiina ku weerareen Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cade, xilli uu watay gaarigiisa, iyadoo lagu daweynayo Isbitaalka Madiina kadib ilaa lix xabadood oo qeybaha sare ee jirka looga dhiftay.

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT