Warning: session_start(): open(/opt/alt/php73/var/lib/php/session/sess_03c761705ac6eb77a593cb4f90d3fabd, O_RDWR) failed: Disk quota exceeded (122) in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/functions/filters.php on line 5

Warning: session_start(): Failed to read session data: files (path: /opt/alt/php73/var/lib/php/session) in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/functions/filters.php on line 5
Magaalada Gaalkacyo oo lagu Weeraray Madaafiic xilli ay ka duulaysay Diyaarad Rakaab Garoonka Diyaaradaha | Somaale.com
Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Magaalada Gaalkacyo oo lagu Weeraray Madaafiic xilli ay ka duulaysay Diyaarad Rakaab Garoonka Diyaaradaha

Magaalada Gaalkacyo oo lagu Weeraray Madaafiic xilli ay ka duulaysay Diyaarad Rakaab Garoonka Diyaaradaha

July 29
13:29 2012

Kooxo hubeysan ayaa maanta lidka diyaaradaha iyo madaafiic ku weeraray garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo ku yaalla dhinaca waqooyi-bari oo ay ka taliso maamulka Puntland, inkastoo aan la sheegin khasaare ay rasaastaasi geysatay.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, Siciid Dhegaweyne oo saxaafadda la hadlay duqeyntan kaddib ayaa sheegay in duqeyntu ay dhacday xiilli ay si caadi ah u socdeen howlihii garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

“Madaafiicda qoriga P10-ka loo yaqaan iyo rasaasta lidka diyaaradaha ayaa maanta kusoo dhacay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, waxayna nooga imaanayeen dhinaca dhinaca Koonfurta ee Gaalkacyo,” ayuu yiri maareeyaha garoonka.

Siciid Dhegaweyne ma uusan sheegin sababta rasmiga ah ee keentay in garoonka diyaradaha ee Gaalkacyo la weeraro maanta, isagoo sheegay in dhowr jeer oo hore sidan oo kale loo weeraray garoonka xilli ay socdaan howlaha garoonka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xilliga ay madaafiicda iyo rasaastu ku dhacaysay garoonka ay ka duulaysay diyaarad rakaab sidday, waxayna duushay iyadoo ay weli dhacayaan madaafiicda, iyadoo dadkii ehellada la ahaa dadkii diyaaraddu sidday ay aad u walwaleen.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan madaafiicda lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee Gaalkcyo oo la sheegay in laga tuurtay Koonfurta Gaalkacyo oo u maamulkoodu ka taliyo.

Duqeynta kaddib ayaa waxaa cadi kusoo laabtay howlihii garoonka, iyadoo dhowr jeer oo hore ay sidan oo kale dhacday, inkastoo aanay jirin cid xal kama dambeys ah ka gaartay madaafiicda lagu weeraro garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT