Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa lagu qabtay Kulan looga hadlayo horumarka, cadaaladda iyo waliba midnimada Soomaaliya\\Daawo sawirada//

Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa lagu qabtay Kulan looga hadlayo horumarka, cadaaladda iyo waliba midnimada Soomaaliya\\Daawo sawirada//

December 16
13:45 2012

IMG_1644

Kulankaan oo ay soo qaban-qaabisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa waxaa lagu casuumay Pr Axmed Ismaaciil Samatar iyo Dr. Cali Khaliif Galeyr, oo labaduba ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, si ay sharaxaad uga bixiyaan habsami u socodka isbedalka cusub ee ay Soomaaliya gashay.

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ahaa musharaxiintii u tartantay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, haatanna ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya oo ugu horreyn ka hadlay kulankaan, ayaa ka sheekeeyey horu-socodka isbeddalka cusub ee Soomaaliya iyo waliba siddii loo sii xoojin lahaa, isagoo sidoo kalena ka hadlay caqabadaha ku horgudban isbeddalkaan iyo sidii looga gudbi-lahaa.

Waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya xiligaan gashay waji iyo waayo cusub oo u baahan in laga faa’ideysto, hase ahaatee ay ku horgudban yihiin dhibaatooyin aad u fara badan, kuwaasi oo ay wajihi doonaan madaxda hogaaminaysa dowladda cusub.

“Waxaa jira dhibaatooyin farabadan oo ka da’weyn dowladdan cusub ee aan ka tirsanahay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: ammaan la’aanta jirta, barakaca iyo kumanaanka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab Kenya. Sidoo kale shaqo la’aanta baahsan ee haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ee jaamacadaha ka soo qalin-jabinaya maalin waliba,” ayuu yiri xildhibaan Axmed Ismaaciil Samatar.

Si looga gudbo dhibaatooyinkaasi faraha badan ee uu xusay ayaa waxaa uu sheegay Axmed Ismaaciil Samatar in loo baahan yahay in ay dowladda qaado sadex tilaabo, si ay ugu guulaysato qorshaheeda iyo waqtiga ay haysato, kuwaasi oo kala ah: cadaalad, karti iyo ku dhaqanka dastuurka dalka u degsan.

Dhinaciisa, waxaa kulankaan ka hadlay Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ahaa ra’isal wasaareyaashii Soomaaliya soo maray,hadana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana uu u sharaxay dadweynaynihii madashana soo xaadiray rejayada cusub ee Soomaaliya ka curatay iyo sida loogu baahan yahay in looga faa’ideysto.

Cali Khaliif, waxaa uu sheegay in dowladda cusub ay tahay nidaam dalka Soomaaliya ka hirgalay, islamarkaana loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo siddii nidaamkaasi rejada ku dhisan uu sii shaqeyn lahaa. Waxaa sidoo kale mujtamaca Soomaaliyeed uu kala dardaarmay in ay la shaqeeyaan oo ay u hogaansamaan madaxda dowladda, islamarkaana ay garab istaagaan.

Sidoo kale xildhibaan Cali Khaliif, waxaa uu ka hadlay xiriirka u dhexeeya maamul goboleedyada jira iyo dhismaha kuwa cusub, waxaana uu sheegay in ay haboon tahay  ka talo bixinta arrintaasi in looga haro dowladda dhexe ee wadanka ka jirta, isagoo si gaar ah uga hadlay Jubbooyinka iyo Khaatumo oo uu sheegay in ay maamulka goboladaasi ay taladooda leeyihiin dadka ku dhaqan, dowladda dhexena looga baahan yahay in ay gacan ku siiso.

“Anigu ma aamisani in maamul u sameynta Jubooyinka lagala tashanayo Kenya iyo Itoobiya waa mid u taaladda maamul u sameyntoodu in ay ku heshiiyaan dadka nool, dowladda dhexena looga baahan yahay  in ay garab ku siiso,” ayuu yiri Cali Khaliif.

Labada xildhibaanba waxaa ay isku raaceen in ay Soomaaliya xiligaan ka ifeyso rejo buuxda, haddii dowladdu ay karti muujiso, islamarkaana ay shacabka Soomaaliyeed fursad siiyaan, lana shaqeeyaan.

Minnesota waa halka  ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool, waxaana ay baahi badan u qabeen in ay wax badan ka ogaadaan isbeddallada iyo wax ka soconaya dalkoodi hooyo, iyadoona labadaan mudane ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay taasi ka haqabtireen intii kulanku socday. Waxaana dadku ay fursad u haleen in ay si toos ah weydiiyan  su’aalo  ku saabsan marxaladda dalku uu marayo.

Kulamada ceynkaan ah ee ay madaxda dowladdu la yeelanayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibadda ayaa waxaa ay abuuri karaan fursado wada-shaqeyneed oo dhexmarta dadweynaha iyo madaxda dowladda.

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT