Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Magacaabida.Amina Muse Ee Tv Qaranka Tilaabo Horumar Leh

Magacaabida.Amina Muse Ee Tv Qaranka Tilaabo Horumar Leh

July 29
15:25 2014

Ahmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

Amina Muuse Wehliye Cadoow.oo ah Wariye Rug Cadaa ah mudo 20 sano ka badana ku soo jirtay hoowlaha saxaafada mid caalami iyo tan soomaalidaba ayaa dhawaan loo magacaabay madax Tv  Qaranka ee Qeybta London.

amina waa Saxafiyad ku fiican saxaafada iyo dhamaan qeyabaha kalla duwan  oo ay ka koobantahay saxaafadu dhinac walba,amina waa soo saare waa war tabiye waa xariiriye waliba si aada loo jecelyahay,

Amina waxa ay ka soo shaqeeysay oo ay waliba shaqo fiican ka soo qabatay  BBC World Service Gaar ahaan laanta Afka Soomaaliga waxa ay ka soo shaqeysay Tv-ga Horn Cable iyo universal tv waxa ay aheeyd gabadhii ugu horeeysay ee maamule ka noqota Wargeeys waliba mid ciyaareed,

amina in ay ciyaaraha ka faalooto weey ugu wanaagsantahay wariye walba inta aan xasuusto.

amina waxa ay kaloo ka soo shaqeeysay Idaacada Banaadir ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho

Waa Qof Ceeynkee ah Amina Muse

Amina Muuse wehliye waa qof sharaf iyo sumcad aan cidina ku gaarin ku dhax leh bulshada soomaaliyeed. caana ah waa gabar farxad badan dabeecad badan hiil iyo walaaltinimo leh. waa qof talo wanaagsan jecelna in ay kuu sheegto wax walba oo wanaagsan

Amina Muse waa qof aad u xushmeysa dadka oo dhan gaar ahaan kuwa Tabarta yar iyo ku Da’da ah iyo kuwa yaryar

amina waa qof amaano badan mana ahan dumarka  xanta iyo sheekeeyinka la taagan dariiqyada waana qof karti badan aqoon badan jecelna mar ay xoogsaneyso iyo mar ay wax baraneyso iyo mar ay gurigeeda joogto.

amina waa wadaniyad aan cidina shaki galin waxaana daliil u ah in ay iyada oo aan nin ka dhiman qaaday aasaay iyada oo la murugootay xaalka guracan ee soomaaliya amiina waa  Director, Ololaha Hangasha ( White Veil, Somali Peace Campaign)

aamina waxa ay soo barbaarisay alaha u daayee Ilmo qurux badan oo ay ku dadaashay mustaqbalkooda waana Ilmo ka muuqda goobaha ay wax ka bartaan waana dadaalka qiimiga badan oo ay galisay

amina waa shaqo yahan adag isku tashata aadna u taqaana danteeda iyo waxa ay ka mudanyihiin dadka kalle

ugu danbeeyntii amina muse waxa an leeeyahay hanbalyo waxaana isdin sii shegayaa in Tv Qaranka ahaan doono meel is badal badan ka dhaxasha amina muuse oo la sixi doono wax yaabo badan10537041_10203401981164091_3585604684905272141_n

 

BBC World Service

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT