Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Maleeshiyaadka Argagixisada Ee Al-Shabaab oo dhagax ku dilay nin rayid ahaa

Maleeshiyaadka Argagixisada Ee Al-Shabaab oo dhagax ku dilay nin rayid ahaa

October 22
11:40 2014

Malleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan dhinaca Koonfureed ee gobolka Shabeellaha hoose ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay talaadadii shalay xukun dil ah ku fuliyeen nin ka tirsanaa dadka ku nool degaannadaas.

Horjoogaha Al-Shabaab ee deegaanka lagu dilay ninka, Maxamed Cabdalla ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ninka lagu eedeeyey inuu saddex maalmood ka hor kufsi u geystey gabar 18 sano jir ah oo kamid ah dadka ku nool isla deegaanka, sidaa darteedna ay dhagaxa ugu dileen.

Codka horjoogaha oo ku dhawaaqaya xukunka lagu fuliyey ninka oo lasoo dhigay barta Internetkana ayuu horjooguhu wuxuu ku sheegay inuu ninku beeniyey kufsiga lagu eedeeyey.

Bishii September ee tagtay ayaa maleeshiyada Al-Shabaab  waxay dhagax ku dishay gabar ay sheegeen inay samaysay galmo sharci darro ah.

dhagax-374x300

 


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT