Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Maxaad kala Socotaa Xaalada Caafmaad Ee Fanaanada Saado Cali Warsame

Maxaad kala Socotaa Xaalada Caafmaad Ee Fanaanada Saado Cali Warsame

July 21
03:49 2012

Xaaladda Caafimaad ee Fanaanadda Saado Cali Warsame oo shalay ku dhaawacantay Shil gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ayaa la soo sheegayaa in ay soo hagaageyso.

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul goboleedka  Puntland ayaa sheegaya in xaaladda Caafimaad ee Fanaanada Saado Cali Warsame ay ka soo reynayso, kaddib shil gaari oo ay shalay ku gashay meel qiyaastii 60km Koofur ka xigta Magaalada Garoowe.

Fanaanadda ayaa hadda lagu dabiibayaa Isbitalka guud ee Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaasi oo ay dhaqaatiirta caafimaadka siwey ay u la socdaan  xaladda Fanaanada Saado Cali Warsame.

Qaar ka tirsan dhaqaatiirta ku sugan Isbitaka guud ee Garoowe oo ay la xiriirtay Idaacadda Shabelle ayaa noo xaqiijiyay in xaaladda cafimaad ee fanaanada Saado Cali Warsame ay hadda ka soo reynayso, waxaana ay intaasi ku dareen in fanaaddu ay ka dhawacanta qoorta iyo waliba gacanta midig,  islamarkaana ay xaaladeeda iminka soo hagaageyso.

Saado Cali  Warsame oo ka mid ah fanaaniinta ugu caansan hobolada Soomaaliyeed ayaa markii ay shilka gaari galaysay waxa ay ku sii jeeday Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal, iyadoo ka laabatay booqasho ay tagtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug oo ay kula kulantay Mas’uuliyiin ka socday Puntland iyo Galmudug.

Ugu dambeyn Dhaqaatiirta la tacaalaysa Xaaladda Caafimaad ee fanaanaddaasi ayaa sheegay in iminka ay tahay mid soo hagaagaysa islamarkaana ay tahay mid wanaagsan.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT