Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Milatariga Kenya ayaa digniin u Diray

Milatariga Kenya ayaa digniin u Diray

Milatariga Kenya ayaa digniin  u Diray
November 01
22:18 2011

ciidamada-kenyaAfhayeenka milatariga Kenya ayaa u digay dadka degan sagaal magaallo in weerar lagu soo qaadi doono, isagoo fariin ku soo diray Twitter.

Maj Emmanuel Chirchir ayaa BBCda u sheegay in saldhigyada Alshabaab oo ku yaala magaalooyinka banaankooda la beegsanayo.

“Ciidamada difaaca ee Kenya ayaa ku guubaabinaya qof walba oo ehelo ku leh magaalooyinkan inay u digaan” Maj Chirchir ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter”.

Magaalooyinkan ayaa kala ah Baydhabo, Bardheere, Dinsoor, Afgoye, Buale Barawe, Jilib Kismaayo iyo Afmadow.

Wuxuu BBCda u sheegay in Alshabaab ay saldhigyo ku leedahay dibada magaalooyinka ay maamusho.

“Ma weerarayno magaalooyinka ayuu yiri, waxaan weeraraynaa xarumaha Al Shabaab.”

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT