Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Moses Wetangula “Waxaan dooneynaa in Golaha amaanka ee QM taageero buuxda

Moses Wetangula “Waxaan dooneynaa in Golaha amaanka ee QM taageero buuxda

Moses Wetangula “Waxaan dooneynaa in Golaha amaanka ee QM taageero buuxda
November 12
12:16 2011

Dowladda Kenya ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay  ka dalabatay inay ku garabsiiyaan la dagaalanka Xarakada Al Shabaab.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Kenya Moses Wetangula oo warbaahinta ku lahadlay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in ay ka doonayaan golaha amaanka ee QM sidii Xarakada Al Shabaab looga saari lahaa gobolada ay ka taliyaan ee Koofurta Soomaaliya.

Moses a ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in ay waajib tahay in dowladdiisa laga gacan siiyo sidii Al Shabaab looga adkaan lahaa, isagoo hoosta ka xariiqay in Al Shabaab ay Qatar ku tahay amaanka caalamka iyo midka gobolka geeska Afrika.

“Waxaan dooneynaa in Golaha amaanka ee QM taageero buuxda golaha si aan ugu guuleysano kooxda Al Shabaab oo qatar ku ah amaanka dalkeena,waxaana ka rajeyneynaa in ay nagu taageeraan ciribtirka Al Shabaab”sidaa waxaa yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Moses Wetangula.

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya ayaa waxa uu ka dalbaday golaha amaanka in ay balaariyaan howlgallada ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Wadamo badan ayaa waxa ay taageereen howlgaklada ay ciidamada Kenya ay ku soo galeen dalka Soomaaliya kasi oo ay ku baacsanayaan Xarakada Al Shabaab oo ay sheegeen in ay        qatar ku yihiin amaanka gobolka geeska Afrika iyo dalka Kenya.

Tags
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT