Something went wrong with the connection!

Somaale.com

MSF oo mashaariic laga furo Soomaaliya ku xirtay sii-deynta shaqaale laga haysto

MSF oo mashaariic laga furo Soomaaliya ku xirtay sii-deynta shaqaale laga haysto

MSF oo mashaariic laga furo Soomaaliya ku xirtay sii-deynta shaqaale laga haysto
April 16
08:36 2012

Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda laheyn ee MSF ayaa furitaanka ama ballaarinta mashaariicda ay ka waddo Soomaaliya ku xirtay sii-deynta labo ka mid ah shaqaalaheeda oo lix bil ka hor laga soo afduubtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaaab ee dalka Kenya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta hay’adda ayaa lagu sheegay in la joojiyay in mashaariic cusub oo aan ahayn xaaladaha deg-degga la furo ama la ballaariyo kuwa horey uga jiray Soomaaliya, tan iyo inta si nabdoon la sii deynayo labo haweeney oo ka mid ah shaqaalaheeda oo la kala yiraahdo Blanca Theibaut iyo Monstserrat Serra oo bishii October, 2011 laga afduubtay Kenya.

Hay’adda waxay cambaareysay afduubka, waxayna maamullada iyo madaxda bulshada Soomaalida ka codsatay in ay si firfircoon uga qeyb qaatan sidii loo sii deyn lahaa la-heystayaasha.

Horaantii sanadkan, hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda laheyn ee MSF ayaa sheegtay inay joojinayso adeeg caafimaad oo ay ka fulin jirtay degmada Hodan ee caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale, MSF waxay shaacisay in boqolkiiba kala bar ay dhimayso kaalmada caafimaad ee Muqdisho.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT