Something went wrong with the connection!

Somaale.com

New York oo Qarax dad badan ku dhaawacmeen oo ka dhacay

New York oo Qarax dad badan ku dhaawacmeen oo ka dhacay

New York oo Qarax dad badan ku dhaawacmeen oo ka dhacay
September 18
05:45 2016

Ugu yaraan 29 ruux ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo waxa sababay qaraxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Chelsea oo ka tirsan magaalada New York, waxaana booliska ay sheegeen in qaraxa ay ka shakisan yihiin in qalab qarxa uu bur buriyay daaqad dhisme ku taal iyo gaari.

Duqa magaalada New York Bill de Blasio ayaa sheegay in qaraxan aanu wax xiriir ah la laheyn fal argagixiso, isagoo xusay in aanay jirin cadeyn loo haayo qarax saacadihii hore ka dhacay New Jersey

Qaraxa ka dhacay New Jersey ayaa la sheegay inuu ka dhashay bam tubo ku jiray, iyadoo halka qaraxa ka dhacay ay ku dhow dahay meel lagu wado inuu ka dhaco Tartan Orod ah oo ay ka qeyb qaadanayaan Ciidan horay uga tirsnaaan jiray Milateriga.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in saraakiisha ay baarayaan suurta galnimada aalad qarax ah oo lagu arkay wadada 23aad ee galbeedka, kaasoo aan sidaa uga fogeyn halkii qaraxa hore ka dhacay.

Ciidamo badan ayaa soo buux dhaafiyay goobta qaraxa ka dhacay, iyadoo eeyo u tababaran urinta waxyaabaha qarxa la geeyay halka qaraxa uu ka dhacay.

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT