Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Puntland oo ansixiyay golaha wasiirrada cusub

Puntland oo ansixiyay golaha wasiirrada cusub

February 04
03:58 2014

Baarlamaanka Puntland ayaa kulan uu maanta ku yeeshay xaruntiisa Garoowe ku ansixiyey golaha wasiirrada cusub ee maamulka.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland, Siciid Xasan Shire oo shir guddoominayey kulanka maanta ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen 56 xildhibaan, kuwaas  dhammaantood codka kalsoonida siiyey xukuumadda, sidaas daraadeedna ay ansax tahay oo ay shaqayn karto xukuumaddu.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wax ka qabanayso arrimaha ammaanka, horumarka, midaynta bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Wuxuu kula dardaarmay wasiirrada inay hufnaan ugu adeegaan dadkooda, isagoona u mahadceliyey golaha wakiillada Puntaland.

Golaha wasiirrada maamulka Puntland oo ka kooban 47 xubnood ayaa la magacaabay dabayaaqadii bishii tagtay ee sanadkan.

 

???????????????????????????????
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT