Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay xaaladda Xasan Daahir Aweys

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay xaaladda Xasan Daahir Aweys

July 06
02:19 2013

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay xaaladda Xasan Daahir Aweys oo maalintii toddobaad ku jira gacanta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah dhowr nin oo dowladda Mareykanku ay xayiraad ka saartay safarka dibedda uu haatan ku jira gacanta ciidamada dowladdaSoomaaliya iyo kuwa ajnabi ah, su’aalana la weydiinayo.

Nicholas Kay ayaa sheegay in xarigga Xasan Daahir uu wax ka baddali karo xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo xusay in Xasan Daahir looga baahan yahay inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aaddan al-Shabaab iyo in uu ka tanaasulo falalkii uu horey ugu jiray ee xag-jirnimada.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay inay wada-hadal la gaeyso xubnaha Soomaalida ee ka tirsan al-Shabaab haddii ay colaadda joojinayaan.

Xasan Daahir ayaa lahaa magac siyaasadeed ka hor inta uusan ku biirin al-Shabaab.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT