Warning: session_start(): open(/opt/alt/php73/var/lib/php/session/sess_4bfd0ef8ec3b0e3aa8d89632fa3ae173, O_RDWR) failed: Disk quota exceeded (122) in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/functions/filters.php on line 5

Warning: session_start(): Failed to read session data: files (path: /opt/alt/php73/var/lib/php/session) in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/functions/filters.php on line 5
QM oo Go'aan ka Soo Saartay Burcad-badeedda Somalia | Somaale.com
Something went wrong with the connection!

Somaale.com

QM oo Go'aan ka Soo Saartay Burcad-badeedda Somalia

QM oo Go'aan ka Soo Saartay Burcad-badeedda Somalia

November 21
10:42 2012
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsantahay khatarta sii socota ee ay burcad badeedda ku heyso Maraakiibta mareysa xeebaha Somalia, shaqaalaha saaran iyo gaarsiinta gargaarka bani aadnimo ee Somalia iyo gobolkaba.

Qaraaka Qaramada Midoobay ayaa maanta oo khamiis ah lagu sheegay in goluhu uu ka welwel qabo caruur la sheegay inay ku lug leeyihiin howlaha burcad- badeednimo ee Somalia.

Goluhu waxuu ku tilmaamay arin muhim ah, wax ka qabashada burcad-badeednimada iyo in kuwa ku lugta leh ee la qabto la saaro maxkamad, si looga hor tago in burcad badeednimada ay sii baahdo.

Qaramada Midoobay waxey ugu baaqday beesha caalamka in doorkooda ay ka qaataan sidii loola xisaabtami lahaa shabakadaha ku lugta leh maalgelinta, ka faaideysiga iyo abaabulka weerarada burcad badeednimo.

Goluhu waxuu dib u xaqiijiyay madaxbanaadida dhuleed iyo midnimada Somalia, xuriyadda siyaasadeed iyo xaqqa Somalia ay u leedahay in la xurmeeyo xeebaheeda iyo qeyraadka ku jira, isla markaana la baaro kaluumeysiga sharci darada ah ee ka socda xeebaha Somalia, iyo tuhunno la xiriira in haraaga wasakhda warshadaha lagu shubo xeebaha Somaliya.

Qaraarka ka soo saartay Qaramada Midoobay arimaha burcad badeedda Somalia oo aad u dheeraa ayaa sidoo kale waxay ku sheegtay in Qaramada Midoobay ay ka taageereyso Somalia dhinaca ammaanka iyo dhismaha nidaamka dowliga ah, kuwaas ay ku sheegtay inay  gacan ka geysan karaan cirib tirka burcad badeednimada.

 

Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT