Something went wrong with the connection!

Somaale.com

QM:Kenya Ha ka Ilaaliso Xasuuq Shacabka Duulaankeeda Kismayo

QM:Kenya Ha ka Ilaaliso Xasuuq Shacabka Duulaankeeda Kismayo

September 19
08:01 2012

Warbixin qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska isku duwaha arimaha aadaminimo ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay  in kulan dhex aray madaxa xafiiskaasi iyo masuuliyiinta difaaca ee dalka Kenya, looga wada hadlay walaaca dhinaca  aadami nimada ee howlgalada miltariga Kenya ee koonfurta Somalia.

Warbixintan ayaa lagu  sheegay in kulankan oo dhex maray  isku duwaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Somalia Mark Bowden ,Wasiirka Difaaca ee dalka Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji iyo Taliyaha Ciidamada dalkaasi Gen Julius Karangi, looga wada hadlay ilaalinta dadka rayidka ah inta lagu guda jiro  duulaanka militari  ee ciidamada Kenya iyo kuwa Somalida ay ku doonayaan inay ku qabsadaan Magaalada Kismayo.

Mark Bowden ayaa Masuuliyiinta Kenya ee uu la kulmay u sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la yareeyo saamaynta ay dadka Rayidka ah ku yeelanayaan dagaaladaasi.

Dhinaca kenya ayaa warbixinta lagu sheegay in wasiirka Difaaca uu balan qaaday inay Kenya ka caawin doonto dadkaasi  adegyada bini aadaminimo ee ay u baaham yihiin, isla markaana ay taxadar gaar ah u yeelan doonto yareynta qasaaraha rayidka.


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT