Qoysas ka cabanaya Dhulboob si wada jir ah ay ugu hayaan Kooxo Burcad iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka isugu jira

Qoysas heysta Docomentiyo Sharci ah oo ku aadan Lahaanshiyaha Dhul ku yaalla inta u dhexeysa Haanta Dheere iyo Asluubta ee degmada Hodan ayaa cabasho xoogan ka muujinaya Koox ay ku sheegeen Burcad Dhuleed iyo Guddiga xallinta Khilaafaadka oo iskaashanaya.
Cilmi Maxamed Cabdille oo ka mid ah qoysaskaasi cabashada xoogan ka muujinaya dhul boobka lagu hayo ayaa sheegay in wada shaqeyn ay ka dhexeyso kooxo soo indha Indheeya dhulalka Dadweynaha Soomaaliyeed leeyihiin iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo uu sheegay in lacago laaluush ah inta ka qaataan kooxahaasi u sameeya Cadeymo ay ku sheegayaan Docomentiyo Lahaanshiyo oo gacan ku sameys ah sida uu hadalka u dhigay.
Dhibane Cilmi Maxamed Cabdulle ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo ah shaqsi wanaagsan ay ka codsanayaan in uu wax ka qabto Cabashooda islamarkaana uusan ku fiirsan Kooxaha burcad Dhuleedka ah iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyagu Iskaashanaya.
Sidoo kale Mid ka mid ah Qoysaskaan sheegay in ay isku beheysteen Boobka dhulkooda Kooxo Burcad dhuleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka isugu jira ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan guddoomiyaha Maxkamadda sare 9 ka mid ah Xubnaha ku lugta lahaa arrimahaan xilalka uu ka xayuubiyay balse booskooda la
Si kastaba waxaa isi soo tarayay Cabashooyinka dhinca dhulalka la xiriira taas oo loo arko in ay ka gaabiyeen wax ka qabashadooda Hay’adaha Garsoorka Dalka oo qudhooda mararka qaar lagu eedeeyo in sifo aan sharci ahayn wax u kula xukmiyaan.