Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Madax Dhaqameedyada iyo Bulshada Rayidka ah

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Madax Dhaqameedyada iyo Bulshada Rayidka ah

May 30
20:32 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa maanta ka qeybgalay shirka Madax dhaqameeyada iyo Bulshada Rayidka ah ee ka socda Istanbul, halkaas oo uu khudbad taariikhi ah ka jeediyey.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu soo booqdo Madax Dhaqameedyada Soomaaliyeed iyo bulshada Raiydka ah oo uu sheegay inay muhiim tahay in shirkoodu uu noqdo mid ay ka soo baxaan arrimo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed, waxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda oo kaalin hoggaamineed ka qaatay xal u helidda arrimaha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha khudbadiisa waxuu ku sheegay in imaatinkii Ra’iisul Wasaare Recep Dayyip Erdogan uu ku yimid Muqdisho ay wax weyn ka bedeshay beesha caalamka iyo aragtidii ay ka qabeen Soomaaliya. Sidoo kale waxuu uga mahadceliyey soo dhoweynta ay Madax Dhaqameedyada Soomaaliyeed iyo Bulshada Rayidka ah ay ku soo dhoweeyeen dalka Turkiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey Roadmap ka sida uu ku soo bilowday iyo in 10kii bilood ee u danbeysey ay Soomaalidu go’aansadeen inay wadajir wax ku qabsadaan isla markaana uu sheegay inay jiraan horumar baaxad leh oo la taaban karo oo laga sameeyey dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta, isgaaridda maaulada iyo dowladda dhexe, Sameynta Dastuurka iyo Maamul wanaagga. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inay muhiim tahay in la soo afjaro xilliga KMG ah oo uu sheegay in dalku uu ku soo jiray KMG muddo 12 sano ah, isla markaana waddamada caalamka ee la midka ahaa Soomaaliya aysan KMG soo noqon. Haddaba si looga baxo KMG ayuu RW sheegay inay lama huraan tahay in la helo dastuur iyo baarlamaan tayo leh.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Dastuurka la soo bilaabay 2004tii oo muddo 8 sano ah la soo waday, waxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay in maanta dalka uu marayo marxaladda wanaagsan oo u baahan in heshiiskii Addis Ababa loo baahanyahay in la dhaqangeliyo si loo helo Dowlad Rasmi ah oo taam ah bisha August.
Ra’iisul Wasaraha Khudbadiisa ka dib waxaa isna goobta joogay oo khudbad ka jeediyey Ambassador Augstine Mahiga oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM. Waxaa kaloo isna sharaxaad ka bixiyey Dastuurka Wasiirka Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Avv Abdirahman Hosh Jibril.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku tagey goobaha taariikhiga ah ee magaalada Istanbul halkaas oo a dowladda Turkiga ku soo marsiisay goobaha ugu caansan isaga iyo wafdigii la socdayba.
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT