Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Shabaab Muqdisho faataxo loogama saarin.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Shabaab Muqdisho faataxo loogama saarin.

November 23
14:14 2011

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in la xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho, isagoo dhinaca kale tilmaamay in Shabaab Muqdisho aan looga saarin faataxo.

Kadib munaasbad ballaaran oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Cilmi baarista iyo Wadatashiga ee CRD islamarkaana looga hadlayay adkeynta ammaanka Magaalada Muqdisho uuna kasoo qeyb galay Ra’iisul wasaaraha dowladda ayaa maanta ka dhacday Xarunta Iskool Buluusiya ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo goobjoog ay ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda KMG Soomaaliya, Xildhibaano, Saraakiil, Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, Odayaasha dhaqanka iyo Ururada bulshada rayidka ah ayaa waxaa su’aalo lagu waydiiyay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Dr. C/wali Max’ed Cali Gaas.

Ra’iisul wasaare Gaas oo la waydiiyay su’aal la xiriirtay ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in xaafado yar oo ka tirsan Muqdisho wali ay ku dambeeyaan Xarakada Al Shabaab islamarkaana ay doonayaan in maalaha soo aadan ay kasaaraan, guud ahaanna ay kala wareegaan gobolada dalka oo intooda badan ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

C/wali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa la waydiiyay dhibaatooyinka Ciidamada dowladdda ay u gaystaan dadka barakacayasha ah, wuxuuna sheegay in shalay kulan uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka kuwaasi oo uu tilmaamay in uu kala hadlay xoojinta ammaanka Muqdisho iyo ka hortagga dhibaatooyinka lagu hayo dadka barakacyaasha ah, waxaana uu intaasi ku daray in lala xisaabtami doono dadka dambiyada ka gaystay Soomaaliya oo qaarkood uu tilmaamay inay ku jiraan Hay’adaha Dastuuriga ah ee dowladda KMG ah.

Su’aalaha la waydiinayay Ra’iisul wasaaraha oo u badnaa kuwa la xiriira ammaanka ayaa waxaa wax laga waydiiyay ammaanka Suuqa Bakaaraha iyo Mushaaraad la’aanta haysata Ciidamada dowladda KMG Soomaaliyeed, iyo dhaqaalaha ay qaataan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in lacagahaasi looga baahanyahay ganacsatada oo uu sheegay in ammaankooda ay sugaan Ciidamada dowladda.

Intii uu ka jawaabayay su’aalaha la waydiinayay Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa uu eedeeyay Qaramada Midoobay inaysan waxba u qaban dalka Soomaaliya oo ay lunsadeen dhaqaalo loogu talagalay dalka Soomaaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in hadii ganacsatada aan bixin lacagaha ay si xoog ah ugu qaadayaan lacagaha canshuuraadka ah sida uu hadalka u dhigay.

Kulankaani Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya su’aalaha lagu waydiiyay ayna soo qaban qaabisay Hay’adda Cilmi baarista iyo wadatashiga ee CRD ayaa noqday kulankii ugu horeeyay oo Ra’iisul wasaare Soomaaliyeed shacabka su’aalo ay ku waydiiyaan tan iyo markii ay meesha ka baxday Xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT