Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Ra’iisul Wasaare Kheyre ” Wasaaradda Maaliyadda Todobaad kasta waan la xisaabtameynaa

Ra’iisul Wasaare Kheyre ” Wasaaradda Maaliyadda Todobaad kasta waan la xisaabtameynaa

Ra’iisul Wasaare Kheyre ” Wasaaradda Maaliyadda Todobaad kasta waan la xisaabtameynaa
April 01
13:03 2017

Munaasabad Xil Wareejin ahayd oo Xilalka ku kala wareegayeen Wasiirka Cusub Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradaas islamarkaana uu ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta waxa ay ka dhacday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Todobaad kasta Wasaaradda Maaliyadda lagu sameyn doono La xisaabtan dhab ah loona baahan yahay in Todobaadkaas ay keento Dakhligii soo galay iyo wixii ka baxay intaba.

Wasiirkii hore Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa Sharraxaad kooban ka bixiyay Waxqabadkii Wasaaraddiisa mudadii uu xilka hayay iyo Isbedelladii uu ku sameeyay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya isagoo ku nuux nuuxsaday In horrumarro la taaban karo ay sameysay Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale Wasiirka Maaaliyadda Cusub Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhaweeyay qorshaha Isla Xisaabtanka ku qotoma Wasaaraddiisa ee uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayaa  shaaca ka qaaday in ay xoogga saari doonto la dagaalanka Musuqmaasuqa xoogan ee hareeyay Geyiga Soomaaliya gaar ahaan Hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay xil wareejin ka dhacday xarunta wasaaradda maaliyadda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso nidaam ay ugu magac dartay “isla xisaabtanka dhabta ah”.

Ra'iisul wasaaraha wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso nidaam ay ugu magac dartay
Image captionRa’iisul wasaaraha wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso nidaam ay ugu magac dartay “isla xisaabtanka dhabta ah”.
Xil wareejintii ka dhacday wasaaradda maaliyadda
Xil wareejintii ka dhacday wasaaradda maaliyadda

 

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT