Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Reer Laas Caanood Shirka Taleex waa ka madaxbanaan yahay Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Reer Laas Caanood Shirka Taleex waa ka madaxbanaan yahay Maamulada Somaliland iyo Puntland.

January 13
11:14 2012

 

Kulankaani ay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay ku yeesheen Waxgarad iyo Odayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dadkii ka qeyb galay in ay dhisanayaan Maamul cusub oo ka madaxbanaan Maamulada Somaliland iyo Puntland.

 

Garaad C/laahi Max’ed oo ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka ayaa waxa uu sheegay in Maamulka cusub ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee looga dhawaaqi doono Shirka Taleex uu hoostagayo dowladda KMG Soomaaliya islamarkaana uu ka go’ayo Puntland iyo Somaliland.

 

C/laahi Max’ed ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka Jabhadda SSC ay taageersan yihiin, waxaana uu ka codsaday shacabka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn in ay sidaasi si la mid ah ay u taageeraan Maamulkaasi cusub.

 

Deegaanka Taleex ee Sool ayaa waxaa ka soconaya Shir weyne lagu samaynayo Maamul cusub kaasi oo la sheegay in uu hoostagayo dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo taasi ay dhabar jab ku noqon karto Aqoonsiga uu doonayo Maamulka Somaliland oo deegaanadaasi ka taliya.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT