Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Shariif Looma Dul Qaadan Doona Dhibka Shacabka Dhibaateysan

Shariif Looma Dul Qaadan Doona Dhibka Shacabka Dhibaateysan

Shariif Looma Dul Qaadan Doona Dhibka Shacabka Dhibaateysan
November 07
23:42 2011

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin boobka lagu hayo gar-gaarka loogu talagalay dadka ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho, isagoo dhinaca kale digniin u jeediyay Ciidamada dowladda. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay Warbaahinta kula hadlayay furumaha hore ee dagaalka degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in marna aan loo dul qaadan doonin askarta iyo kooxaha dhibaatada ku haya gar-gaarka loogu talagalay dadka ay saameyeen abaaraha ee ku sugan Magaalada Muqdisho. 

Madaxweyanaha dowladda KMG ayaa waxaa uu digniin u jeediyay Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo sida uu sheegay dhaabacaya sharafka iyo Karaamada Qaranka, isagoo tilmaamay in dhac iyo baarasho ay ka gaystaan degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in loo baahanyahay in Ciidamadaasi oo kale in talaabo laga qaado. 

“Waxaa jira mid dhaawacaaya Ciidanka Sharafkiisa, waxaa jira mid dhaawacaya qaranimada, cadowgaasi oo idil maxaa loogu talagalay inay wax ka qabtaan Ciidamada, meesha idinka aad ku dhimanaysiin aad ku dhaawacmaysiin, waxaa jira kuwa idinku dhuumanaya oo ku mashquulsan inay Mobilada ka qaataan dadka, guryahana ay jabsadaan, sumacadda ciidankana meel kaga dhaca, dadkaasi waxay xiriir la leeyihiin Al Shabaab” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

 

Mar uu soo hadal qaaday Ciidamada dowladda ee aan tagin farumaha hore ee dagaalka sida sahlanna Mushaarka ku qaata ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda iyo Saraakiishoodu ay soo gubiyaan si looga saaro Ciidamada, mushaarna aan ku qaadan.

 

Hadalkaani kasoo baxay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu imaanayaa xilli maalmihii u dambeeyay degmooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ay ka jireen falal amaan dari oo sida la shegay gaysanayay rag ku labisan dareeska Ciidanka dowladda Soomaaliya.

 

 

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT