Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Shariif Xasan Sheekh Aadan "Aniga Sheekh Shariif waxaa gacan ku siinayaa oo aan ku taageerayaa 100%"

Shariif Xasan Sheekh Aadan "Aniga Sheekh Shariif waxaa gacan ku siinayaa oo aan ku taageerayaa 100%"

September 09
19:53 2012

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday Hotelka City Palace ayaa cod dheer ku sheegay inuu taageeri doono Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha.

Shariif Xasan oo horay ugu hungoobay doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, ayaa si kaftan u yiri inuu eedsanayo Madaxweyne Shariif oo uu xusay inuu taako u dhigo.

“Aniga iyo Saxiibkee Madaxweyne Shariif Taako ayaa isku dhigi jirnay laakiin iskuma fogaan jirnay, laakiin hada asgaa taako ii dhigay Musharaxnimadeeda asigaa u eedsanaa”ayuu si kaftan u yiri Shariif Xasan oo dhoola cadeynayay.

Shariif Xasan ayaa si aan leex-leexad laheyn u sheeyay in dalka horumarikiisa iyo qaranimadiisa ay xaq tahay in ninkii keena kara lagu aamino, isagoo xusay inuu Madaxweyne Shariif uu muteystay, isla markaana xaq u leeyahay.

“Bani’aadamka aragtidiisa waa duwanaan kartaa, waxaa la rabaa in marka xaqiida la gaaro in la aado meesha xaqa jiro, meesha wadanka wanaagiisa ku jiro”ayuu yiri Shariif Xasan oo ugu baaqay Xildhibaanada inay codkooda siiyaan Madaxweyne Shariif.

“Aniga Sheekh Shariif waxaa gacan ku siinayaa oo aan ku taageerayaa 100%, maalinta berri waxaan rajeyneynaa inay natiijada ay noqoto mid wanaagsan, hadii uu taago ii dhigay ma u dhigayo”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Shariif Xasan ayaa u rajeeyay Madaxweyne Shariif in afarta sano ee soo socota uu ku gaaro sharaf iyo in xilkiisa alle ula garab galo sida uu yiri.

Munaasabadii ka dhacday Hotel City Palace ayaa aheyd tii u horeysay oo aan horay nooceeda loo arkin, iyadoo Madaxweynaha ku muujinayay sida uu ugu han weyn yahay in mar kale uu qabto xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, taasoo noqoneysa markii u horeysay muddo 42-sano oo lagu doorto Caasimada Soomaaliya Madaxweyne Soomaaliyed.

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT