Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Shir madaxeedkii Kampala oo la soo gaba gabeeyey (Akhriso go’aanada ka soo baxay) + Sawirro

Shir madaxeedkii Kampala oo la soo gaba gabeeyey (Akhriso go’aanada ka soo baxay) + Sawirro

August 04
15:31 2013

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo oo shalay iyo maanta ku sugnaa Kampala ayaa ku ammaanay Madaxweyne Yoweri Museveni doorkiisa hoggaamineed ee uu ka qaatay arrimaha Soomaaliya.

Shirkii Madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray war-murtiyeed.

Madaxdii shirkan ka soo qeybgashay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dhinacyada amniga iyo siyaasadda. Sidoo kale doorka AMISOM iyo ciidamada Ethiopia ayaa iyagana lagu ammaanay, lagana codsaday inay dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii ay ciidameeda dib-u-habeynta socota u dhameystiri lahaayeen, iyo sidii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM loogu heli lahaa tasiilaadka ay u baahanyihiin.

War-murtiyeedka waxaa lagu xusay in dowladdu ay sii wado wadahadallada ay kula jirto dhammaan qeybaha kala duwan ee goboladda Jubbooyinka, isla markaana ay dowladda maamulkeeda wada gaarsiiso dhammaan dalka oo dhan.

War-murtiyeedka waxaa kaloo lagu xusay in AMISOM iyo hay’adaha QM ay raashinka iyo qalabka ay u baahanyihiin ay ka iibsadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo aan dibedda looga keenin.

War-murtiyeedka waxaa lagu xusay in AMISOM ka shaqeyso sidii ciidamo isku dhaf ah loo geyn lahaa Kismaayo.

Madaxweynaha iyo wafdigii oo hoggaaminayey ayaa lagu wadaa inay dhowaan ku soo laabtaan dalka.

IMG_8912IMG_8916IMG_8924IMG_8932IMG_8934IMG_8937

 

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT