Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Shirka Wadatashiga ee Qaramada Midoobay oo lagu soo gabab gabeeyay muqdisho

Shirka Wadatashiga ee Qaramada Midoobay oo lagu soo gabab gabeeyay muqdisho

Shirka Wadatashiga ee Qaramada Midoobay oo lagu soo gabab gabeeyay muqdisho
November 28
10:24 2011

Shirka Wadatashiga ee Qaramada Midoobay oo maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, siihayaha xilka Ra’iisul wasaaraha, Mas’uuliyiin ka kala tirsan Maamulada Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Wakiilo ka socda sida la sheegay bulshada rayidka ah.

Inta aan kulanka maanta lasoo gaba gabeyn ayaa waxaa warbixin laga dhagaystay 4-gudi oo ah Xubnaha ka qeyb galaya shirka ay iska xuleen kuwaasi oo wax kasoo diyaarinayay arrimaha ammaanka, Dastuurka iyo dowladda wanaaga.

Kulanka oo ay ka hadleen Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Ambassador Augustine Mahiga, Wakiilo ka kala socday Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika iyo wakiilo kale oo matalayay Puntland iyo Galmudug ayaa hadalo jeediyay waxaana ay sheegeen inay ka go’antahay inay ka shaqeeyaan arrimaha Road-Mapka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay codsanayso in la qaado cunuqabataynta dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT