Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Shirkii Garoowe oo la mucaaraday

Shirkii Garoowe oo la mucaaraday

December 25
02:25 2011

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka KMG Soomaaliya Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) ayaa waxaa uu ka hadlay shirka wadatashiga Soomaali ah ee kusoo gaba gaboobay Magaalada Garoowe, isagoo shirkaasi ku tilmaamay in aan sharci ahayn.

Casoowe oo u waramay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay inaysan eedeyn u jeedineyn dadka kasoo jeeda deegaanada shirka lagu qabtay ee Puntland balse ay dhaliilayaan qaabka uu u dhacay shirka wadatashiga ah iyo waliba qaabka loo Maamulay, isagoo intaasi ku daray in barlamanka uu yahay Hay’adda ugu sareysa sharci dajinta islamarkaana ay saxaan qaladaadka jira.

Gudoomiyaha labaad ee barlamanka ayaa mar uu ka hadlay go’aankii kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda ee ku aadanaa in muddo muddo 4-Isbuuc aan lagu shiri karin Xarunta golaha shacabka ayaa waxaa uu sheegay in barlamanka uu qabsan doono kulamadii ay yeelan jireen islamarkaana aan baaqan doonin shirarkaasi.

“ Anagu sharcigeena waa naqaanaa, qaynuunka wuxuu noo fasaxo waa naqaanaa, ninkii na horjoogsado oo muruq noo sheegto waa nin xoog wata, sharci hadii lagu wada hadlayo, sharciyadda anagaa leh, dalka anagaa ugu sareyna xaga sharciga, Hay’adda dalka ugu sareysa baanahay, shacabkan ka wakiil nahay, in nagula ixtiraamo weeye hadii dowladnimo la doonayo, hadii kalena wixii naga dambeyo sidaa un bay noqon” sidaasi waxaa yiri Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka KMG Soomaaliya Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe).

Shirkii kusoo idlaaday Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa qodobadii kasoo baxay waxa ka mid ahaa in Xildhibaanada barlamanka la yareeyo islamarkaana laga dhigo 225-kuwaasi oo lagu soo xulayo nidaamka 4.5-ka.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT