Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Siyaasiyiin Qurbo joog ah oo eedeeyay Madaxweyne Faroole

Siyaasiyiin Qurbo joog ah oo eedeeyay Madaxweyne Faroole

Siyaasiyiin Qurbo joog ah oo eedeeyay Madaxweyne Faroole
March 13
20:16 2012

Siyaasiyiin Qurba Joog Ah ayaa ku eedeeyay Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole in uu carqaladaynayo dib u soo celinta Nabada dalka Soomaaliya, islamarkaana uu diidanyahay in wahadal lala galo maamulada dalka.

Khaliif Xasan Ducaalle oo horay u ahaa Safiirkii Suuriya u fadhiyay Soomaaliya xiligii dowladii Max’ed Siyaad Barre oo wax laga xumaado waxa uu ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole kaasi oo ku aadanaa in dowladu aysan wadahadal la gali karin maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay Khaliif Xasan Ducaale Hadii madaxweynaha Maamulka Puntland Faroole hadalkiisa uu raali galin ka bixin waayo in ay caqabad ku noqon doonto geedi socodka nabadda Soomaaliya, isagoo sheegay in Faroole uu doonayo in uu carqalad galiyo wadaxaajoodyada dowladdu ay la galeyso maamulada ka jira dalka.

Sidoo kale C/raxmaan Muuse Nuur oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kusugan Magaalada Muqdisho ayaa hadalkii Faroole waxa uu ku tilmaamay mid u horseedi kara dalka dhibaato, waxaana uu sheegay in hadalkiisa uu dhaawici karo Qorshe Howleedka dowladda, isagoo xusay in loo baahanyahay in hadalkaasi uu raali galin ka bixiyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole oo qudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nuugaal ayaa waxa uu sheegay in dowladdu aysan wahadal la gali karin maamulka Somaliland, iyadoo uusan ka war qabin maamulka Puntland.

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT