Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Somaliland: Hawadeena Muqdisho lagama maamulayo

Somaliland: Hawadeena Muqdisho lagama maamulayo

May 14
21:02 2013

Maamulka Somaliland ayaa Qaramada Midoobay ku eedeyay go’aanka ay maamulka hawada Soomaaliya ugu wareejisay dowladda federaalka ah kaddib 20 sano oo uu Barnaamijka Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ka maamulayay Nairobi.

Wasiirka duulista iyo hawada ee maamulka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in UNDP ay ku xad-gudubtay heshiis ay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland la saxiixatay bishii May ee sanadkii 2011, kaas oo dhigayay in maamulka hawada Soomaaliya loo dhiibo gacan saddexaad oo si siman daqliga ka soo xarooda ugu qaybiso Soomaalida.

Wasiirka dulista iyo hawada Somaliland, waxa uu sheegay in heshiiska Qaramada Midoobay ay la gashay dowladda Soomaaliya uu meel ka dhac ku yahay Somaliland.

Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sheegay in aanay marnaba Somaliland raalli ka noqoneyn in hawadeeda laga maamulo Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisa uu go’aansaday in berri laga billaabo la hakiyo duullimaadyada UN-ka ee deegaannada Somaliland, taas oo ka dhigan jawaabta maamulka uu ka bixinayo wareejinta maamulka hawada Soomaaliya ee dowladda federaal-ka.

Qaramada Midoobay ayaa Isniintii dowladda Soomaaliya ku wareejisay koontaroolka hawada oo ay tan iyo bur-burkii dowladda dhexe gacanta ku haysay, waxaana dhowaan la filayaa in xafiiskii duulista iyo saadaasha hawada ee Soomaaliya uu Muqdisho rasmi uga howlbillaabo.Maxamuud-Xaashi-300x168

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT