Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Trump oo “illaaway” heesta calanka Mareykanka

Trump oo “illaaway” heesta calanka Mareykanka

Trump oo “illaaway” heesta calanka Mareykanka
January 09
20:42 2018
Dadka qaarna way ku oriyeen, kuwana way u sacbiyeen

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa lagu soo dhoweeyay sacab iyo iyadoo dadka qaarna ay ku qeyliyeen intii uu garoonka ku sugnaa ee la qaadayay heesta calanka.

Laakiin markii heesta la bilaabay, dadka isticmaala baraha bulshada waxay ku leexdeen dhaqankiisa ku wajahnaa astaanta.

Taageerayaasha Trump waxay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay arkaan madaxweynaha oo gacantiisa saarantahay wadnihiisa, balse kuwa mucaaradka ku ah waxay sheegayaan in ereyada uu hilmaamay.

Haddaba miyuu illaaway ereyada?

Waxaa cad in uusan dhammaan wada qaadin.

Muuqaalka wuxuu tusayaa Mr Trump oo aamusaya bilowga. Wuxuu u muuqday qof qaadaya ereyada qaar halka mararka qaarna uu aamusayo.

Sadarada qaar waxaa loo dhahaa si kor ah. Madaxweynaha wuxuu si muuqata u kala qaaday afka marka la gaaray “xidigaha dhalaalaya” wuxuuna farxad iyo dhoollacadeyn ku dhameeyay “dhulka xorta ah iyo hoyga geesiyaasha”.

Sadarada kale ma uusan qaadin. Haddii uu illaaway ereyada iyo haddii kale waa dood furan. Horey waa loo arkay isagoo qaadaya heesta wuxuuna taageero ku helay sida uu u xushmeeyay.

Haddaba, in uu keligii iska heeso oo dadka kale uusan la qaadin way adagtahay, laba sababood aawadood, sida uu qoray Anthony Zurcher.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT