Something went wrong with the connection!

Somaale.com

UK oo ka digtay carqaladeynta Roadmap-ka

UK oo ka digtay carqaladeynta Roadmap-ka

August 15
04:08 2012

UK oo ka digtay carqaladeynta Roadmap-ka

Safiirka dowladda Britan u qaabilsan Soomaaliya, Matt Baugh

Safiirka dowladda Britan u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh ayaa ka digay in la carqaladeeyo qorshaha lagu soo afjarayo waqtiga kala guurka ah.

Safiirka wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida inaan waddada laga weecin howsha hadda socota ee lagu doonayo in lagu soo dhiso dowlad rasmi ah oo ay yeelato Soomaaliya.

Matt Baugh oo ka hadlay afur ay safaaradda Britain ee Kenya xalay u sameysay muwaaddiniin Soomaali ah, ayaa sheegay in dowladda Britain ay si weyn uga walaacsan tahay in hakad uu ku yimaado hannaanka socda.

Sidoo kale wuxuu walaac ka muujiyay musuqmaasuq iyo hanjabaadyo uu sheegay in lagu hayo hannaanka.

Baugh wuxuu sheegay in dilkii toddobaadkan gudihiisa Muqdisho loogu geystay labo suxufi uu muujinayo sida dadka Soomaaliyeed ay ugu baahan yihiin dib u soo celinta amniga iyo xasiloonida.

Isagoo ka hadlayay orodyahannadii Soomaalida ee ka qeyb galay ciyaarihii Olombikada London, safiirka wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay dadaalka ay muujiyeen.

Wuxuu xusay in guulaha uu gaaray orodyahanka u orda Britan, balse asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, Maxamed Faarax, ay yihiin waxyaabo lagu faani karo.

Matt Baugh wuxuu sheegay in afurka loo sameeyay dadka Muslimiinta ah uu qeyb ka yahay dhaqanka dalkiisa.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT