Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo Tacsi tiiraanyo leh ka soo diraya geerida Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum Abdullahi Yusuf Ahmed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo Tacsi tiiraanyo leh ka soo diraya geerida Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum Abdullahi Yusuf Ahmed

March 25
08:06 2012

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo Tacsi tiiraanyo leh ka soo diraya geerida Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum Abdullahi Yusuf Ahmed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo Tacsi tiiraanyo
leh ka soo diraya geerida Madaxweynihii hore ee
Somalia Marxuum Abdullahi Yusuf AhmedHaddii aan Bahda Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxaan halkaan si wadjir ah
uga soo tacsiyadeyneynaa dhamman Qoyskii, Eheladii iyo Qaranka Soomaaliyeed ee
uu ka wada geeriyooday Madaxwaynihii hore ee Dalka Soomaaliya Marxuum
Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Waxaan Allah (SWT) uga baryeynaa Marxuum Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf
Axmed, inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo. Qoyskii, Ehelladii, Asxaabtii iyo
Qarankii Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeenna Samir Iimaan ka siiyo. “Aamiin”
Taariikhdii Madaxweyne Abdullahi Yusuf oo kooban
Allah SWT ha u naxariistee Madaxweynihihii hore ee Soomaaliya C/Laahi Yuusuf
Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo bishii December sanadkii 1934.
Markii uu waxbarashadiisa dugsiga dhexe iyo sare ku dhamaystay soomaaliya wuxuu
galay kuliyada sharciga ciidamada, markaas kadib ayaa laba sano oo waxbarasho
gaaban ah loogu diray talyaaniga sanadkii 1954-1956.
Sanadkii 1957 dii ayaa loo magacaabay ku xigeenka taliyaha booliiska ee gobolka
Benaadir, isagoo jagadaas hayay mudo sanad ah. jagadiisii labaad waxaa 1958 kii uu
noqday taliyaha qaybta booliiska ee gobolada Jubooyinka
1960 bilawgiisii ayaa sanad waxbarasho militery ah loogu diray talyaaniga. Markii uu
talyaaniga kasoo laabtay ayuu qabtay jagadii ugu horaysay ee militariga isagoo
noqday taliyaha policemilitaryga ee qaybta 26 aad ee fadhigeedu ahaa gobolada
Woqooyiga soomaaliya.
Sanadkii 1964-tii ayaa loo Dalacsiiyay darajada Gaashaanle dhexe “Lieutenant
Colonel” waxaa uuna isla markaasi u soo gudbay maamulka dhexe ee wasaarada
gaashaandhiga soomaaliya.
Markale ayaa waxbarasho loogu diray dalka Ruushka (midawga soviet) isagoo galay
kuliyadda dagaalka ee militariga (Military war college) sanadkii 1965-66.
Markii uu halkaas ka soo noqdayna waxaa laga dhigay taliyaha hogaanka tababarka
ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed biishii may ee sanadkii 1968dii.
Markale ayaa lagu celiyay gobolada woqooyiga soomaaliya sanadkii 1969kii isagoo
halkaas looga dhigay abaanduulaha ciidankii looyaqaanay “ciiidanka koobaad” ee
fadhigooda woqooyiga soomaaliya.
Waxaa maalmihii curashada kacaanka sanadkii 1969kii loo taxaabay xabsiga asagoo
lagu eedeeyey in uu ka caga jiidayey kanaackii uu hogaaminayey Siyaad Barre. waxaana uu xidhnaa muddo lix-sano ah iyadoo la soo daayay sanadkii 1975tii.
Maxamed siyaad barre oo madaxa u salaaxaaya ayaa waxaa uu ka dhigay taliyaha
hogaanka gaadiidka iyo dayactirka ee xoogga dalka sanadadii 1975-1977dii.
Dagaalkii xoraynta ee soomaalida Galbeed ayaa waxaa loo magacaabay in uu
hogaamiyo ciidamada Dagaalka, wuxuuna noqday taliyaha qaybtii kadagaalamaysay
koonfur Galbeed soomaaliya, wuxuuna ciidamadii itoobiyaanka cabdulaahi kaga
adkaaday dhankaas isagoo ka qabtay dhamaan aaggii isaga ku aadanaa,illaa uu
gaadhay magaala madaxda gobolka Nagaylle1978dii.
Bishii September 1978dii ayuu asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda
dalka soomaaliya (SSF).
Sannadkii 1985 ayuu Mingiste Xayle Maryama xabsi ay leeyihiin ciidamadu oo
kuyaal Itoobiya u taxaabay C/llaahi Yusuf. Lix-sano oo kale ayuu xirnaa, wuxuuna
xabsigii Itoobiya ka soo baxay 1991 kadib markii uu dhacay maamulkii Mengistu,
xilligaas oo dawladii Soomaaliyana ay dhacday.
Marxuum Cabdulaahi Yuusuf Axmad waxaa uu leeyahay afar caruur ah, waxayna
ku noolyihiin dalka Canada, waana Laba wiil iyo Laba Gabdhood, iyo inta sii Dhaleen.
C/laahi Yuusuf Axmed ayaa taariikhdu markii ay ahayd October 10, 2004 ayuu
C/Laahi Yuusuf noqday madaxweynaha KMG ee Dawlada ee Soomaaliya. Jagaas oo
uu muddo ku taamayey in uu gaaro.
Dhammaan xubnaha UWS. Waxay tacsi tiiraanyo leh halkaan uga dirayaan
Dhammaan dadka rayid ahaa ee ku geeriyooda maalin walba gudaha Somalia.
Waxayna ALLAH (SWT) ugu beryayaan intii dhimatay inuu naxariistiisa Janno ka
waraabiyo. Ehelladoodana samir iyo Iimaan ka siiyo. “Aamiin”.
Waxaan kaloo Allah (SWT) duco uga beryayaan inuu caafimaad fiican taam ah siiyo
siiyo dhammaan shacbka Soomaaliyeed ee ku dhawaacma, kuna hanti beela maalin
walba Qalalaasha ka jira gudaha Somalia, Dhibka soo gaarayna Allah SWT ugu
beddelo waxa ay ku farxaan.“Aamiin”
Abdullahi Jama Mohamed
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
Toronto, Canada
www.waddaniga.org
info@waddaniga.org
soomaalibaanahay@hotmail.com

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT