Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Wafdi ka socda dowladaha Iiraan oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi ka socda dowladaha Iiraan oo Muqdisho soo gaaray

November 14
14:10 2012

Wasiirada arrimaha dibeda ee dowlada Iiraan iyo Wufuud caalami ah oo ay kala hogaaminayaan ayaa goor dhow ka soo degay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo la kulmay madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya.

Madaxdaan oo si kala gooni gooni ah u gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo horeeyey wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga Daa’uud Ooglo.

Sidoo kale daqiiqado kadib waxaa ka soo degay garoonka Aadan Cadde wafdi uu horkacayo wasiirka arimaha dibadda ee dowlada Iiraan Cali Akbar Saalixi oo ka soo duulay magaalada Jubba ee dalka koonfurta Sudan.

Dhinaca kale wufuudan ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya, lamana sheegin ujeedada socdaalkooda, hase ahaatee waxaa loo gelbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin madaxda sare ee dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT