Wafdi ka socda dowladaha Turkiga oo Muqdisho soo gaaray.
Wasiirada arrimaha dibeda ee dowladaha Turkiga iyo Wufuud caalami ah oo ay kala hogaaminayaan ayaa goor dhow ka soo degay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo la kulmay madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya.
Madaxdaan oo si kala gooni gooni ah u gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo horeeyey wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga Daa’uud Ooglo.
Sidoo kale daqiiqado kadib waxaa ka soo degay garoonka Aadan Cadde wafdi uu horkacayo wasiirka arimaha dibadda ee dowlada Iiraan Cali Akbar Saalixi oo ka soo duulay magaalada Jubba ee dalka koonfurta Sudan.
Dhinaca kale wufuudan ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya, lamana sheegin ujeedada socdaalkooda, hase ahaatee waxaa loo gelbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin madaxda sare ee dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya.
There are no comments at the moment, do you want to add one?
Write a comment