Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey London "SAWIRRO"

Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey London "SAWIRRO"

July 06
20:27 2013

Wafdi sare oo ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saakay,si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada London ee dalka Britain.

 

 

Wafdigan oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha
Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa garoonka
diyaaradaha Heathrow Airport ee magaalada London kusoo dhaweeyey
mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Britain iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed
ee ku dhaqan magaalada London kuwaasi oo iyagu aad ugu faraxsan
socdaalka Wafdigan ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ay ku tageen dalka
Ingiriiska.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey Dowladda
Britain martiqaadka iyo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen Wafdiga
uu hogaaminayo,sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey Jaalliyadda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan Lodon sida ay iyana uga qeyb qaateen soo
dhaweynta Wafdigan.
 
Wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka
ayaa socdaalkan shaqo ee ay ku joogaan dalka Britain uu ka dambeeyey
kadib markii ay casuumaad rasmi ah ka heleen Madaxda Boqortooyada
Ingiriiska waxaana inta ay joogaan magaalada Lodon la kulmi doonaan
mas’uuliyiinta Dowladda Britain iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku
dhaqan magaalada London.

Wafdigan oo noqonaya wafdigii u sareeyey ee ka socda Baarlamaanka
Soomaaliya oo socdaal rasmi ah ku taga dalka Ingiriiska tan iyo intii
dalka uu ka baxay KMGka ka mid ah Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda
Aadanaha,Arrimaha Bani’aadannimada,Haweenka iyo Carruurta ee
Baarlamaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaan C/kaafi
Macalin Aadan,Xildhibaanad Sacdiyo Cumar Sheegoow,Xildhibaan C/laahi
Xasan Fadhaye iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Gudoomiyaha
Baarlamaanka.

—-DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT