Something went wrong with the connection!

Somaale.com

WARBIXIN NORWAY IYO SOOMAALIDA KU NOOL

WARBIXIN NORWAY IYO SOOMAALIDA KU NOOL

January 15
19:17 2012

Waxaan jecelahay inaan halkaan idinku soo bandhigo maqaal ku saabsan wadankaan aan ku nolahay ee Norway.

Marka ugu horeysa waxaan ka hadlayaa warbixin kooban oo ku saabsan wadankanNorway.                                                                                   

 

Hadaba wadankan Norway waa wadan ku yaala waqooyiga qaarada Europe gaar ahaan Scandinavianka baaxadiisa wexey gaareysaa ilaa 125 ‘000 square miles, halka dadka kunool ey gaarayaan ilaa 4’985’000 qof waana qiimeyntii ugu danbeysay la sameeyeyApril 2011.

Wadankaan waxyaabaha cajiibka uu ku yahay waxaa kamid ah isagoo aan leheyn balac balse leh dhirir aad u dheer iyadoo dhirirka wadankaan uu gaarayo 1’100 miles halka balaca u ka yahay kaliya 267 miles waa cajiib !!! .

Caasimada wadanka waa Oslo tan labaadna waa Bergen halka tan sadaxaad ey ka tahay Trondheim oo mar ahaan jirtay caasimad diimeedka wadamada la isku dhaho Scandinavianka ( katholic ) .

Diinta wadankan laga heysto waa Christian , gaar ahaan Katholic waliba qeyb la dhaho Church of Norway ( kaniisadii Norway) ,  ayadoo ey tahay    87 % dadka wadankan ey aminsanyihiin taas halka Islamka u ka yahay    1.8 % dadka wadankan Norway.

Malinta qaranka wadanka ( National day ) waa 17 may oo ah maalin ey aad u qadariyaan dadweynaha Norway, ayagoo maalintaa soo bandhiga fantastiyo aad u badan waliba ey qeybta ugu badan ey qeyb weyn ka qaataan caruurta wadankani Norway.

Dumarka ayaa ah wadankaan 70 % dadka wadankaan taasoo ah runti tiro aad u badan !!!

Wadankaan waxa uu la wadaagaa xuduud wadamada kala ah Finland & Denmark & Sweden iyo Iceland .

Dhinaca luqadaha wadankaan luqadiisa waxa la dhahaa Norwegian ayadoo loo kala qebiyo ilaa 3 lahjadood oo waweyn, kuwaas oo kala ah

1. Bokmål  2. Nynorsk ( New norwegean )  3.  Samisk , inkastoo ey jiraan kuwo kale oo aan sidaa u badneyn dadka ku hadla. 

hadaan ka hadlo dhinaca jawiga , runtii waa wadan aad u qabow waliba uu ka dhaco baraf daran inta badan, iyadoo marmar uu gaaro qabowga darajada ilaa -20 Centigret marmarna wuxuu xiraa barafka wadooyinka, laakin waxaa jira xiliyo uu kululyahay wadanka inkastoo eysan badneyn kali ay tahay xiliga summerka , ugu badnaan 5 bilood bilaha May june july august iyo september, iyadoo waliba maalintii in aad u badaneyso  oo habeen kusoo koobmayo kaliya 2 saacadood iyo wax kayar . 

 

Waliba waxyaabaha cajiibka waxaa kamid ah aan ku arkay habeen sagaal saac habeenimo ayaad jaraa’id ku aqrisan kartaa banaanka adigoon u baahneyn wax leyr ah taasoo muujineysa in uusan habeen jirinba xiliga summerka waa cajiiiiiiib !!!!.

Wadankaan waxaa ku yaala buurta ugu dheer Scandinavianka  taasoo la dhaho magaceeda Galdhopiggen  kuna taala gobolada dhexe ee wadankani Norway waxaa uu dhirirkeeda gaarayaa ilaa  2’469 m, dhinaca kale wadankaan waxa uu ku faanaa waxaa kasoo jeeda ninkii ugu horeeyay oo noqda xoghayaha qaramada midoobay magaciisana la dhaho Trygve Halvdan Lie . 

waxaa wadankan ku yaala sidoo kale the world’s longest Road Tunnels laguna magacaabo LaRDEL waa 24’510 M.

Hadaan u gudbo dhinaca siyaasada wadankaan waxaa ka taliya boqortooyo ayadoo dhanka kalena uu jiro ra’isul wazaare maamula howlaha siyaasada ee wadanka , boqorka wadankaan ee hada jooga waxaa lagu magacaabaa Harald V . 

Wadankaan awooda ugu badan waxaa iska leh booliiska ayagoo inta badan gacanta ku haya awoodaha wadankani Norway.

Waxaa ka jira xisbiyo siyaasadeed mar walbana waxaa la qabtaa doorashooyin ayadoo sanankaan dhamadkisa ey dheceyso dorasho.

Dhanka siyaasada dibada wadankaan runtii wadamada caalamka waxaa kala dhexeysa saxibtinmo oo waa wadan siyaasadiisa arimaha dibada ey tahay mid iska dagan oo qunyar socod ah ayagoon aan wax lug ah ku leheyn shaqaaqooyinka caalamka ka jira iminka .

Taasoo u suurto galisay wadankaan inuu noqday wadanka 3aad ee ugu nabdoon caalamka taasoo u ah sharaf weyn runtii. 

Dhanka dhaqaalaha wadankaan dhaqaalihiisa aad ayuu u sareeyaa inkastoo uusan ku jirin midowga yurub markaan ka hadalno ganacsiga ka dhexeeya wadamada yurub taasoo sababtay in maciishada wadankaan ey xoogaa kacsanaan ka jirto sababtuna tahay asagoo aan ku jirin midwoga yurub dhinaca ganacsiaga, wadankani Norway wuu diiday inuu qaato lacagta ey europe ku midowday isla markaana wuxuu isticmaalaa lacag u gooni ah oo la dhaho norwegian Kron ,sidoo kale wadankaan waa wadanka 3aad ee aduunka ugu qanisan ayadoo taas ey ka saaciday wadankaan oo leh OIL & NATURAL GAS iyo waliba kaluun badan iyo geedaha dhaadheer ee laga sameeyo alwaaxda laga isticmaalo caalamka iyo waliba buurta ugu dheer Scandinavianka tasoo loosoo dalxiis tago. 

 

 

 

Hadii aan u gudbo qaababka uu wadankaan u qaabilo qaxootiga gaar ahaan kuwa soomaalida oo aan warbixinta xog ku saari doono.

Hey’ada wadankaan u qaabilsan qaxootiga waxaa la dhahaa magaceeda lagu soo gaabiyaa UDI taasoo hoostimaada poliska wadanka , waxaa ku yaala in kabadan 100 kaam oo loogu talo galay in la dajiyo dadka qaxootiga in teysan sharciga qaadan.

 

hadaba wadankaan waxa uu kaga duwanyahay wadamada kale ee yurub wadankaan waxaa la iska dhiibaa kaliya hal xafiis oo ey booliska ku leeyihiin caasimada Oslo ayadoo eysan jirin meel kale oo la iska dhiibo aan ka eheyn halkaa xafiis kaliya halka wadamada kale yurub qofka uu iska dhiibo karo meesha uu doono oo wadanka kamid ah magaalo  ha ahaato ama tuulo .

 

hadaan ka hadlo sida ey u qaabilaan Somalida wadankan runtii Somalida isku soo dhiibta qaxooti ahaan wadankaan waxaa 93 %lasiiyaa ogolaansho ( positive )  halka 7 %  lasiiyo diidmo taasoo sabab u noqon karta kiisaskooda oo noqon waaya mid ey la dhacaan boliska .

ayadoo dadka Somalida ey yihiin wadanka 3aad ee qaxooti ahaan ugu badan wadankan marka laga soo tago polandeska iyo Pakistaniyinta.

ayadoo Soomalida ey yihiin dadka ugu dhaxgalka badan bulsho ahaan wadankan kaliya wadamada yurub dhan gaar ahaan Wadankaan waxaa kuu cadeynkara, waxaa jirta fanaanad caan ah oo u dhalatay wadankaan Norway oo la dhaho TANYA taasoo si fiican ugu heesta afka somaliga si fiicanna ugu hadasha ayadoo kamid ah koox uu hogaamiyo fanaanka weyn ee MAXAMED HIMILO.

 

Hadii aan waxyar ka sheego nolosha somalida ku nool wadankaan iyo waxyaabaha ey ka shaqeeyaan ugu horeyn horta nolosha waa nolol wanaagsan oo qof waliba ku faraxsanyahay nolosha uu ku jiro inkastoo caqabada kaliya jirta ey tahay qabowga oo aad u daran, dhinaca kale shaqooyinka ey qabtaan Soomalida waxaa kamid ah

1. kuwo ka shaqeeya xafiisyada dowlada sida waaxda qaxootiga qaabilsan ee UDI (waaxda ajaaniibta) xafiisyadeeda ama kaamamka ey ku leedahay wadanka dacaladiisa iyo  waliba xafiisyo kale.

2. kuwo ka shaqeysta ganacsi madax banaan oo ayagu sameysteen gaar ahaan waxaa u badan magaalooyinka Oslo iyo Bergen

3. kuwa kashaqeeya takaasida ama baabuurta waaweynee daabula  alaabaha xamuula isaga daabusha gudaha wadanka iyo waliba gudaha Scandinavianka .

 4 . kuwo ka shaqeeya warshado ama shirkado waaweyn iyo waliba supermarket waweyn.

5. shaqooyin ku saabsan nadaafada .

Soomalida ayaa ah runtii wadankaan dadka labaad ee qaxootiga ah ee ku leh ganacsiyo iyo shirkado waweyn iyo waliba hanti farabadan.

 

ayadoo dhinaca kale ey jiraan dad somali ah oo kaamamka ku jira sanado qaar gaaraya ilaa 10 sano oo aan sharci helin, iyo waliba kula siiyey sharcigii markii hore balse lagala laabtay markii ey galeen danbiyo culus , ayagoo runtii isaga nool nolol ha dhimanin hana noolaan.

dhinaca kale waxaa jira arimo laga naxo walaahi oo qof walba damiir leh oo uu ka naxayo taasoo ah adiga oo arkaya dhalinyaro Somali ah oo aad u da’yar oo mustqabalkooda ku baab’iyey daraagis iyo muqaadaraad ayagoo isticmaala isla markaana iibiya oo ka ganacsada ayadoo taas u dheertahay mar haduu booliska ku qabto arinkaas uusan waligiis wadanka ka qadan doonin qofkaan pasaborka weyn ama dhalashada wadanka sida aad u fahmi kartaan waliba haduu kaa dhaco midka aad heysato aan laguu cusbonenysiin doonin maxa yeelay waxa lagu helay fal danbiyeed xun oo ah daraagiska ama muqadaradka oo mamnuuc ka ah wadankaan isticmaalkiisa iyo wali iibintiisa. 

Hadaan ka hadlo ganacsiga Somalida ku leyihin wadankaan waxaa kamid ah sida maqaayadaha ,dukaamada, dharka supermarkets xawaalado goobo internet cafe iyo branchiyo telefono iyo waliba kuwo kale aan kusoo koobi karin halkaan.

Waxaan halkaas kusoo koobayaa warbixintii ama maqaalkii aan kaga hadlayey wadanka aan ku nolahay ee Norway iyo Soomaalida kunool . 

By: Ismail Nur Hefow (Ismail Ciiltire).

Norway, Stjørdal.

 

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT