Wariye Maxmed Aweys Muudey Boqorka oo Adis-Ababa ku xiran
Wariye Maxamed Aweys Muudeey oo Ku Magac Dheer Boqorka Bartamaha oo si weyn looga yaqaan guud ahaan Soomaaliya ayaa ku xiran Xabsi ku yaal Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya.
Boqorka Bartamaha ayaa Xabsi la dhigay kadib markii Bishii hore uu Qarax ka Dhacay meel u dhow Xaafadda ay Soomaalida degto ee Bolle, halkaasoo howlgal ay Ciidamada Amaanka ka sameeyeen ku Qabteen Wariye Boqorka Bartamaha iyo Dad kale.
bbartamahaWariyaha ayaa Addis Ababa u joogay inuu kasii Dhoofo, wuxuuna ka mid ahaa Wariyeyaasha Naftooda kala Cararay magaalada Muqdisho. iyadoo ay xusid mudan tahay inuu ka mid ahaa Waariyeyaashii ku Dhaawacmay Qaraxii Hotel Shaamo. Waxaase Nasiib Daro ah in Maanta loo Xiro Shaki looga Qabo Kooxihii uu Naftiisa kala cararay.
Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa wax dhaqdhaqaaq ah oo ku aadan dadka Soomaaliyeed ee xabsiyada ku jira iyo Wariyahanba aysan xil iska saarin iney daba gasho ama ay kala hadasho Dowladda Itoobiya, taasoo nasiib daro ay ku tilmaameen Soomaalida Degan Addis Ababa.
Ehelada Wariyaha ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa ka codsadeen iney Dabagal ku Sameeyaan Xariga wiilkooda isla markaana loo soo daayo.
Boqorka Bartamaha waxaa lagu xasuustaa Barnaamijyada Arimaha Bulshada sida fanka iyo suugaanta ee Raadiyo Muqdisho Berisamaadkii, waxa uu sidoo kale ahaa jilaa waxana uu kasoo shaqeyay idaacado Dhowr ah isaga oo Mehnada Saxaafadana ku jiray Mudo ka Badan ku Dhawo 30 sano.